4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Xasan Shiikh oo kormeeray dhisme ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray dhismaha ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo lagu hirgelinayo Terminal weyn oo garoonku uu yeesho; kaasoo dhismihiisa ay waddo dowladda Turkiga.

Xasan Shiikh oo ay la socdeen wasirka gaadiidka iyo maareyaha hay’adda duulista hawada ayaa kormeeray dhammaan qaybaha dhismuhu ka socdo ee garoonka Muqdisho, wuxuuna warbixin ka dhageystay Injineerrada shirkadda FAVORI oo howshan wada.

“Waa horumar weyn oo dalka ka socota, waxaan rajeyneynaa in shakiga ay markii hore shacabku ka qabeen shirkadda FAVORI oo ahaa inaysan waxba qaban Karin halkan ayuu ku haray. Muuqaalka ay shirkaddu dhismahaan u waddo wax badan ayuu ka bedelayaa garoonka, wuxuuna noqon doonaa mid ka mid ah kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay kormeerka kaddib.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu Somalia ay soo dhaweynayso cid weliba oo dalka wax kusoo kordhineysa, isagoo xusay in dekedda Muqdisho iyadana laga filayo isbedel midkan la mid ah.

“Waxaan leeyahay shirkadaha caalamka iyo kuwa ay Soomaalidu leeyihiin dalkan ha maal-gashadeen, si ay dib u soo laabtaan guud ahaan adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Maareeyaha duulista iyo saadasha hawada, Inj. Cali Maxamed Ibraahim ayaa isna sheegay in qaybaha garoonka ee hadda shaqeeya laga guuri doono oo loo guuri doono dhismaha cusub marka lasoo gabagabeeyo, isagoo faahfahin ka siiyay madaxweynaha qeybaha terminalka cusub uu ka kooban yahay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa la kulmay mas’uul ka tirsan dowladda Mareykanka oo maanta Muqdisho yimid, kaasoo ay kawada hadleen howlaha dalka ka socda iyo xaaladdu sida ay tahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya