4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Jawaari iyo C/weli Sheekh oo si Rasmi ah u furay Shirka Baydhabo (SAWIRRO)


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si rasmi ah uga furay Baydhabo shirweynaha dib-u-heshiisiinta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo socon doona 45 cisho.

Shirka ayaa la sheegay inuu isugu jiro dib-u-heshiisiin iyo sidii lagu soo dhisi lahaa maamul-goboleed ka kooban saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, iyadoo shirka ay ka qayb-galayaan xubno labada gole ee dowladda ka tirsan, ergooyinka ka kala socday qabybaha kala duwan ee dadka ku dhaqan gobolladaas.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Somalia, Khaalid Cumar Cali oo ka mid ah xubnaha guddiga farsamada ayaa uga mahadceliyay qabsoomidda shirka madaxda dowladda, isagoo xusay in heshiiskii ay Muqdisho ay ku gaareen dhinacyadu uu ahaa mid taariikhi ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan ay kasoo bixi donaan natiijooyin wanaagsan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkan uu noqdo mid u horseeda horumar dhammaan shacabka ku nool gobolladaas ay 23-kii sanno ee lasoo dhaafay ay ka jireen dhibaatooyin kala duwan.

“Maanta waxaa sharaf ii ah inaan si rasmi ah u furo shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur-galbeed oo socon doona 45 maalmood, isuguna jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamul loo dhan yahay oo ka kooban saddex gobol, shirkana waa mid muhiimad gaar ah leh mar haddii wax-garadkii Koonfur-galbeed ay halkan ku dhan yihiin, waxaana rajaynayaa in shirkan uu horseed u noqdo kalsooni dhisidda dadka gobolladan ku nool,” ayuu yiri C/weli Sheekh oo ku daray hadalkiisa in xukuumaddu ay diyaar u tahay inay shirkan caawiso.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo isna furitaankii shirka hadlay ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan uu gogol xaar u yahay in siyaasiyiinta iyo kuwa bulshada ay isku cafiyaan oo ka heshiiyaan khilaafaadka dhexdooda ah.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inuu si habsami leh loo soo wada qaybgalay shirkan, wuxuuna shirku qayb ka yahay tallaabooyinka aynu doonayno in looga heshiisiinayo khilaaafaadka ku dhexjira dadka gobolladan ku dhaqan, waana muhiim in shirka uu ku bilowdo qalbi furnaan iyo in qof walba uu rabo in xal la gaaro, arintaas ayaana ah midda ay ku imaan karto xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka soo noq-noqday ee gobolladan ka jiray. Haddii aanaan isku muujinno tanaasulaad ma gaarisiin karno dadkeenna horumar,” ayuu yiri Jawaari.

Siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka oo iyana hadal ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada ku nool saddexdan gobol, isla markaana lagu gaari doono heshiis dhameystiran oo u noqda fure khilaafaadkii muddada ka taagnaa gobolladan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa madasha shirka uga dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay shirka dib-u-heshiisiinta ah ee loo qabanayo dadka dagan saddexda gobol ee la rabo in loo sameynayo maamul-goboleed.

Dhanka kale, Madoobe Nuunow oo ah madaxweynaha maamulka lixda gobol ayaa diiday inuu shirka ka qaybgalo, isagoo sheegay inuu yahay shir jidkii ay filayeen laga weeciyay kaasoo ahaa dib u heshiisiin, balse lagu daray arrimo siyaasadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya