4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Col. Barre Hiiraale oo diiday ka Qayb-galka Shir-weyne ka Furmaya Kismaayo


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay maanta inuusan ka qaybgalayn shirka dib u heshiisiinta Kismaayo oo lagu wado in uu maalin kaddib ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Shir jaraa’id oo Col. Barre Hiiraale uu maanta ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in lagu wargeliyay in shirkii dib u heshiisiinta Kismaayo ee uu horay u aqbalay dib loo dhigay, isagoo shirka Kismaayo ka furmaya 16-ka bishan Kismaayo ka furmaya uu yahay mid ay wataan urur-goboleedka IGAD iyo sida hadalka uu u yiri kooxda Axmed Madoobe.

“Anigu waxaan aqbalay in shir dib u heshiisiineed oo Kismaayo lagu qabto si colaadda loogu bedelo nabad iyo wadahadal, balse shirkan waxaan u arkay inuu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed iyo in laga aamin-baxoo dowladd… waana taas tan aan ku diidnay ka qaybgalka shirka,” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale.

Col. Barre Hiiraale ayaa sheegay inuu isagu taageersan yahay in dowladdu ay noqoto tan hormuudka u ah shirka dib u heshiisiinta Kismaayo, laakiinse markii uu maqlay in maamulka Axmed Madoobe iyo IGAD ay shirkii dib loo dhigan qabanayaan 16-ka bishan uu shirka jaraa’id qabtay si uu caddeeyo in uusan ka qaybgalayn.

“Qabashada shir dib u heshiisiineed ma diidani anigu, balse waxaan rabaa in shirka uu u dhaco sida ay dowladdu u qorsheynayso, waxaana heshiiska aan kaga qaybgalayo shir dib u heshiisiineed oo la qabto, sidoo kalena waxaan ka aqbalay wasiiraddii dowladda ee Goobweyn iigu yimid. Waxaana innagu difaacaynaa waa in shirka aan la marin-habaabin,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Barre Hiiraale.

Sidoo kale, Col. Hiiraale wuxuu sheegay inuu diiddan yahay oo uu si cad uga soo horjeedo in Axmed Madoobe uu yiraahdo aniga ayaa shirka qabanaya oo qaadanaya dhaqaalihii loogu talogalay, mana ogolaanayo in dib looga dhigo xilligii hore ee loo qabtay.

“Innaga waxaa noo muuqata gardarro inay jirto... mana yeelayno, waxaa ogolahay in shirka la mariyo nidaamkii lagu yiqiinnay shirarka dib u heshiisiinta ah ee waddanka ka dhici jiray lana joojiyo marin-habaabinta,” ayuu mar kale yiri.

Barre Hiiraale ayaa in dowladdu ay ku wargelisay in shirka dib u heshiisiinta Kismaayo uu dhacayo 01-da bisha Oktoobar, isagoo ku eedeeyay hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba inuu weli ka wado Kismaayo dhibaatooyin isagoo taageer ka helayay ururka IGAD oo uu sheegay in cadaalad laga filayay, balse ay dhinac gaar ah taageereen.

Ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay maamulka KMG-ka ah ee Jubba iyo IGAD oo uu ku eedeeyay Col. Barre Hiiraale inay doonayaan inay shirkii horay loogu ballamay ee dib u heshiisiinta ahaa ay afduubaan.

Col. Barre Hiiraale oo muddo sannad ka badan isaga iyo ciidan taabacsan ay ku sugnaayeen deegaanka Goobweyn ee duleedka Muqdisho ayaa wuxuu dhawaan aqbalay inuu heshiis la galo Axmed Madoobe uuna ka qaybgalo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya