4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tagay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa ka dagay goor-dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo uu socdaalkiisa saldhig u yahay sidii uu u furi lahaa shirka dib u heshiisiineed oo ka soconaya Baydhabo muddo bil iyo bar.

C/weli Sheekh Axmed ayaa waxaa la socday xubno xukuumadda ka tirsan iyo ciidammo gaar ah oo ilaalinaya, waxaana isaga iyo Jawari oo horay u joogay Baydhabo ay ku sugan yihiin hadda hoolka lagu qabanayo shirka oo ku yaalla garoonka Baydhabo.

Xarunta lagu qabanayo shirka waxaa jooga dadweyne badan, kuwaasoo ka kala yimid xaafadaha Baydhabo, iyadoo sidoo kalena ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta heerka gobol iyo kuwa heerka degmo, waxaaana kaloo jooga taageerayaasha maamullada gobollada lixda iyo saddexda.

Sidoo kale, goobta uu shirku ka dhacayo waxaa ka maqan mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol sida madaxweynaha maamulkaas, Madoobe Nuunoow iyo wasiirradiisa, waxaa iyagana ka maqan xubnaha golaha guurtida oo soo saaray shalay qoraal ay ku aqbaleen ka qaybgalka shirka.

Waxaa la filayaa in goor-dhow inuu furitaanka shirk aka jeediyo khudbad raiisal wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha oo isna ka hadli doona waxyaabaha shirkan looga hadlayo iyo muhiimaddiisa.

Hiiraan Online, Baydhabo