4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Uganda oo sheegtay inay qabatay rag Al-sjhabaab ah oo Weerarro fulin lahaa

Axad, September 14, 2014 (HOL) — Booliiska Uganda ayaa maanta sheegay inay xireen xubno ay uga shakisan yihiin inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay qorsheynayeen inay weerarro ka geystaan gudaha dalka Uganda.

Shalay oo sabti ahayd ayay ciidamada amniga Uganda howlgallo ballaaran ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada xarunta ah ee Kampala, iyadoo tani ay kusoo beegmayso kaddib toddobaadyo markii la dilay hoggaamiyihii Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

“Al-shabaab waxay qorsheynayeen inay weerarro ka fuliyaam Kampala iyo magaalooyin kale toddobaadkii lasoo dhaafay. Balse ciidamada amniga ayaa ka hor-tagay weerarkaas, waxaana la helay waxyaabaha qarxa,” ayuu yiri taliyaha booliiska Uganda, Kale Kayihura oo la hadlay AFP.

Taliyaha ayaa intaas ku daray. “Waxaan xirnay tiro dad ah oo ay shaki uga qabaan, su’aalo ayaana weydiinaynaa.” Balse taliyuhu tirade dadka ay soo qabteen ma uusan sheegin, mana jirto faahfaahin meelaha ay sida gaarka ah u bartilmaameedsanayeen.

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa uga baaqay muwaadiniintooda ku sugan Uganda inay ka digtoonaadaan inay guryahooda kasoo baxaan, inta ay howlgalladu socdaan.

“Weli waxaan eegaynaa sida ay xaaladdu noqoto iyo inay dhacaan qaraxyo argagaxiso iyo inay ku sugan yihiin weli gudaha Uganda unugyo ka tirsan Al-shabaab,” ayaa lagu yiri warbixin ay safaaraddu soo saartay Axadda maanta ah.

Dowladda Uganda ayaa dhawaan sheegtay inay soo dhaweynayso geerida hoggamiyaha Al-shabaab, Axmed Godane, iyadoo dalkan ay ciidamada ugu badan ee AMISOM ee jooga Soomaaliya ay ka socdaan Uganda, kuwaasoo dagaallo kula jira xoogagga Al-shabaab.

Inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin in xubnaha lagu xiray Uganda ay ka tirsan yihiin iyaga iyo in kale, ayaa haddana waxay kooxdu dhowr jeer oo hore ku goodisay inay weerarayso dalka Uganda.

Sannadkii 2010-kii ayay ahayd markii Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda laba weerar oo qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Kampala, kuwaasoo ay ku naf-waayeen 76-qof oo daawanayay ciyaar ka mid ahayd kuwii koobka Adduunka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya