4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2014
Dowladda oo Amar ku bixisay inaan la Wadan karin Gaadiid Muraayado Madow


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay in aan Muqdisho lagu wadan karin gaadiid muraayadihiisu madow yihiin ama aan sumad lahayd, iyadoo waddooyinka Muqdisho lagu arkayay gaadiidka ka fiiqaya bacama madow gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Taliyaha booliiska Soomaaliya, Maxamed Sheekh ayaa sheegay in markaas uu isagu bixiyay lana doonayo in la ogaado dadka gaadiidka wata noocooda iyo sumadda gaariga.

“Aniga waxaan wataa gaari aan muraayado madow lahayn, marka waxaan amarkan u soo saaray in wax walba ay caddaadaan, mana dhici karto inuu mas’uul yiraahdo waan is-qarinayaa,” ayuu yiri taliyaha oo ka jawaabayay in ay dhici karto in dad dowladda ka tirsan oo is-qarinaya gaadiidkaas qaar ka mid ah wataan.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in gadiid muraayado madow aan la wadan karin marka laga reebo gadiidka mas’uuliyiinta sare oo ah kuwa aysan karin xabbadu, isagoo sheegay in ciidamada booliiska ay amar ku qabaan inay ka fiiqaan bacda gaadiidka muraayadahoodu madow yihiin.

Dhanka kale, taliyaha booliiska ayaa sheegay inaan la wadin marin gaadiid aan sumad lahayn, isagoo xusay in gaari walba oo sumad laawe ah la qaban doono sharcigana lala tiigsan doono.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay soo saarto amar noocan oo kale ah, kuwaasoo hirgeli waayay, balse lama oga sida uu midkan kaga duwanaan doono amarradii ka horreeyay.

Gaadiid badan oo muraayado madow yihiin ayaa lagu wadaa qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo qaarkood ay wataan xubno dowladda ka tirsan oo doonaya inaan la garan wajiyadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya