4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Kulan looga hadlay ka faa’iideysiga cafiska dowladda oo Muqdisho lagu qabtay


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay sida xubnaha ka tirsan Al-shabaab ay uga faa’iideysan karaan cafiska dowladda Soomaaliya u fidisay, kaasoo ah muddo 45 maalmood ah.

Kulankan oo ay soo agaasintay hay'adda CCD ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay mas'uuliyiinta golaha sare culumaa'udiinka, kuwaasoo ugu baaqay dhallinyarada Al-shabaab ka tirsan ay ka faa’iideystaan xilliga ay dowladdu qabatay.

"Annagoo ah culummada waxaa soo dhaweyneynaa baaqa cafiska ah ee 45-ka maalmood ah ee ay dowladdu u fidiyay xubnaha Al-shabaab inay dib uga soo laabtaan;” ayuu yiri mid ka mid ah culummadii kulanka ka hadlay.

Sheekh Muuse Caga-weyne oo sheegay in loo baahan yahay in fursadda ay dowladdu bixisay ee cafiska ah si wadajir ah looga faa'ideysto, isagoo ugu baaqay dhallinyarada Al-shabaab u dagalaamaya inay kasoo baxaan oo ay kusoo labataan bulshadooda.

"Waxaa loo baahan yahay in fursaddaas laga wada faa'ideysto, gaar ahaan waalidka dhalay caruurta mar kasta wuu la xiriiraa, ha ugu baaqaan inay ka soo laabtaan ka mid ahaansha Al-shabaab. Haddii macalin dhalinyaradaas wax baray uu jirana waa inuu la taliyo; kan dhuumaya ee maskaxda laga dhumayo ma garanayo cidda uu amarka ka qaadanayo meel ay joogto cida ay tahayna uusan arkayn, marka waxaa u fiican inuu isaga soo tago," ayuu yiri Sheekh Muuse Cagaweyne.

Waxaa isagana kulanka ka hadlay Sheekh Axmed Shuqul Sh. Aadan Dheere oo ka mid ah culummada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caalamka oo dhan uu la dagaalamayo dhibaatada ka jirta Soomaaliya ee xagjir-nimadaa iyo argagixisanimada, waxaana uu tilmaamay in dhibaatadaas ay ka mid yihiin manaahijta laga keenay dalalka Afgaanistaan iyo Yemen oo carruurteenna loogu dugsiyada.

"Fikirkaas meesha uu gaaray iyo halka uu ka soo burqanayo waa dusgi Qur’aan, iskuul la geeyay, waxaa codsanaynaa dhammaan manaahijta waxbarasho ee la siiyo carruurta Soomaaliya. Dhawaan waxaa dhawaan daraasad ku sameynay manaahijta waxbarasho ee laga dhigo min Puntland, Somalilamd ilaa Koofurta Soomaaliya, waa kuwii Afganistan iyo Yemen laga dhigayay, waxaana ilmaha lagu baraa is-qarxinta," ayuu yiri Sheekh Shuqul.

Sidoo kale waxaa iyana ka hadlay kulanka Sheekh Aadan Macalin Sugow iyo Sh. Axmed Siyaar oo labaduba ku baaqay in fursada jirta laga faa’iideysto, isla markaana cid walba ay Alle u towbad-keento.

Ugu dambeyn culumaa'udiinkii kulankaas ka qaybgalay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhallinyarada ay ka faa’iideystaan fursadda ay dowladdu ku dhawaaqday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya