4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Nuunow oo Taageeray Shirka iyo Ra'iisul Waasaraha oo Baydhabo ku Wajahan


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka lixda gobol ee Baydhabo, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa taageeray shirka maanta ka furmaya Baydhabo, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada uu khilaafku u dhexeeyo.

Nuunoow oo la hadlay warbaahinta saaka ayaa sheegay in shirkan uusan wax lug ah ku lahayn dhismaha maamul goboleedka saddexda gobol ee ay horay ugu dhawaaqday dowladda federaalka ah in laga hirgelinayo gobollo ku yaalla Koonfur-galbeed Soomaaliya.

“Runtii shirkaan waxaan u arkaa inuu yahay mid dib u heshiisiin ah oo aan lug ku lahayn maamul sameyn, guddoomiyaha baarlamaankuna wuxuu ka wadaa Baydhabo howlo dhexdhexaadin ah,” ayuu yiri Nuunow.

Madoobe Nuunow ayaa horay u diiday in Baydhabo laga dhiso maamul sadex gobol ka kooban, isagoo xusay in haddii maamulkaas la dhiso uu wadahadal la furayo madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba si aan loo kala goyn maamulka lixda gobol ee Baydhabo lagu dhisay.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu Baydhabo tago maanta, si uu xarigga uga jaro shirka dib u heshiisiinta ah ee loo qabanayo dadka kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.

Afhayeenka shirka, Siyaad Sheekh Daahir oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in shirka uu xarigga ka jari doono ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ka qaybgalayaan shirka dadka dega gobollada Bay iyo Bakool.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo shalay ka warbixinayay shirka ayaa xusay inuu socon doono bil iyo bar, uuna yahay mid saddex waji leh, iyadoo qaybta koowaad looga hadli doono dib u heshiisiin iyo sidii dhinacyada khilaafaadku u dhexeeyo loo heshiisiin lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in Baydhabo lagu dhisi doono maamul ka kooban saddex gobol, kaasoo ka talin doona gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya