4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Boqollaal Askari oo Tababbar Loogu soo Xiray Dulleedka Kismaayo (SAWIRRO)

Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) :- Iyadoo ay xiisado dagaal ka jiraan deegaano dhinaca waqooyi ee gobolka Jubbada Hoose ku yaalla ayuu madaxweynaha maamulka Jubba Sh. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) maanta tababar usoo xiray askar gaareeysa ilaa 450 askari, kuwaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay uu tababar ciidan uga socday deegaanka Qandal oo qiyaastii 20 km dhanka Koonfur galbeed kaga began magaalada Kismaayo.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubba Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadani uu mudo bilooyin ah tababar la xiriira askarinimada uu uga socday duleedka Kismaayo, isagoo xusay in tababarkii uu usoo dhamaaday islamarkaana ay yihiin ciidamo u diyaar ah in ay howlgalaan.

Madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ciidamadii tababarka loo soo xiray ugu hambalyeeyay tababarka usoo dhamaaday iyo weliba dadaalka ay bixiyeen, isagoo kula dardaarmay in dadka iyo dalka ay ugu shaqeeyaan si daacad ah.

Ciidamadan ayuu madaxweeynuhu sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka biloowday gobollada Jubooyinka.

Dhinaca kale, ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada deegaanada hoostaga degmada Jamaame ee gobolka J/hoose, iyadoo ciidamadu ay shalay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Ciidamadan oo aad u qalabeeysan islamarkaana ay barbar socdaan ciidamada AMISOM ayaa qorsheeynaya in xoogagga Al-shabaab ay kala wareegaan deegaanada iyo degmooyinka ay kaga suganyihiin gobolka J/hoose, waxaana dadka degan deegaanada hoostaga degmada Jamaame ee gobolka J/hoose ay bilaabeen in ay isaga barakacaan goobahaasi iyagoo ka cabsi qaba in ay waxyeelo kasoo gaarto hadii deegaanadooda lagu dagaalamo.

Saraakiisha horkaceeysa howlgallada ka socday deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in howlgalladan ay socon doonaan inta ay ka xaqiijinayaan gacanta ku heynta deegaanada ay Al-shabaab ka arimiyaan ee Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya