10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2014
Ganacsiga qudaarta oo sare u kacay magaalada Beledweyne bisha Ramadaan


Axad, July 06, 2014 (HOL) — Iyadoo la marayo maalmihii ugu horeeyay bisha barakeysan ee Ramadaan magaalada Beledweyne waxaa sii xoogeysanaya islamarkaana sare u kacay ka ganacsiga qudaarta oo siweyn looga dareemayo magaalada.

Suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo qudaarta oo ku yaala xaafadda Buundo-weyne ayaa marka aad dhax-tago waxaa kuu muuqanaya  dad kala duwan oo siyaabo kala gadisan ugu howlan ka ganacsiga noocyada qudaarta oo intooda badan marka aad eegto lagu rarayo gadiid xamuul ah oo u kala safraya gobollada Galguduud, Mudug, gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso, dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ilaa magaalada Hargeysa.

Noocyada ugu badan qudrada laga safriyo gobolka Hiiraan bisha Ramadaan ee loo iib-geeyo  gobollada kale waxaa ka mid ah Qaraha, Canbaha, Basasha, Liinta, Yaanyada iyo qudaar kale oo intaa ka sii badan  oo dhamaan muhiim u ah isticmaalkooda bisha Ramadaan.

Subax kasta waxaa suuqa soo galla gadiid kala duwan oo siddan noocyada kala gadisan ee qudaarta kuwaa oo ka soo daabula ama ka soo qaada beeraha, waxaana siweyn uga faa’ideysta dadka ku dhaqan magaalada oo marka siddan oo kale ay u soo go’do qiimo jaban ku hella.

Laakiin mid ka mid ah ganacsatada oo lagu magacaabo Nuur Cadaawe ayaa HOL u sheegay in ganacsatada intooda badan xoogga saaraan in qudaarta ay u iib-geeyaan  gobollada kale si ay uga helaan macaash badan.

Hasse ahaatee, marka laga soo tago ganacastada waaweyn oo dhaqaallahu u saamaxayo in ay u dirraan gobollada fog fog, waxaa iyagana  ka faa’ideysta ganacsato yar yar oo inta ay qiimo jaban qudaarta ku iibsadaan, kadibna ka sii beecmushtara, iyaga oo ka iibinaya dadka magaalada oo laftirkooda siweyn u isticmaala inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Gobolka Hiiraan ayaa tobankii sanno ee ugu danbeeyay waxaa uu hormar ballaaran ka sameeyay wax soo saarka qudaarta, oo la oran karo hadda in badan isku filnaasho ayuu ka gaaray, wallow ay jiraan qudrad uga timaada gobollada kale sida labada Shabeelle oo ay ganacsatada ka soo iibsadaan Mooska, halka deegaannka Ismaamulka Soomaalida Itoobiyana si weyn looga keeno Baradhada oo aan ka bixin gobolka.

Dadka ugu badan ee ku howlan ganacsigan marka aad eegto waa haween, madaama ragga intooda badan mashuul ku yihiin beeraha oo ah halka laga soo raro, waxaana jira haween tiro badan oo ka helle ka ganacsiga qudrada  kaalmo dhaqaalle oo ay ku dabaraan nolasha qoysaskooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya