4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Heshiis Maamul loogu dhisayo Gobollada Dhexe oo Maanta lagu saxiixay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu saxiixay heshiis maamul KMG ah loogu dhisayo gobollada Gal-guduud iyo Mudug oo ka tirsan gobollada ku yaalla bartamaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskaas saxiixiisa ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka kala socday maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, laakiin waxaa maqnaa xubnihii matalayay maamulka Ximin iyo Xeeb; inkastoo qoraalkii kasoo baxay madasha shirka uu ka muuqday saxiixa ruux heshiiska ku matalayay Ximan iyo Xeeb.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, xubnaha labada gole ee dowladda, madaxda dhaqanka, qaybaha bulshada, siyaasiyiin, safiirro iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa akhriyay qodobbada oo ka koobanaa 11 oo lagu wajahayo dhismaha maamul loo dhan yahay oo yeeshaan gobollada dhexe ee Somalia, isagoo sheegay in heshiiskan uu dhabbaha u xaarayo xal laga gaaro maamullada yar-yar ee ka jira gobollada dhexe, loogana gudbayo maamul goboleed ay ku midaysan yihiin dadka deegaannadaas ku nool. Iyadoo intaas kaddib ay heshiiskaan saxiixeen wakiillo matalayay Galmudug, Ahlusunna, wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo xubnaha ka socday beesha caalamka.

Hadallo kooban ayay goobta ka jeediyeen xubnihii saxiixay heshiiska iyagoo ballan-qaaday inay ka dhabeyn doonaan hirgelinta heshiishkan, dowladda iyo beesha caalamkana ka codsaday inay garab-is-taagaan geeddi-socodka nabadda iyo dhameystirka maamulka gobollada dhexe.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay heshiiska horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay mas’uuliyiinta maamullada gobollada dhexe doorkii hoggaamineed ee ay ka qaateen in maanta la gaaro heshiis lagu unkayo maamulka bartamaha Soomaaliya oo ka kooban Mudug iyo Galgauduud.

“Maanta waa maalin macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dowladnimada, nabadda iyo horumarinta Somalia, Xukuumaddu waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee galabta ay gaareen maamulladii gobollada dhexe ka jiray iyo hoggaamiyaashii dhaqanka, waan sii wadi doonnaa dhiirri-gelinta iyo taageerada heshiiskan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

C/weli Sheekh ayaa intaas ku daray. “Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qayb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo billow u ah horumar waara oo laga gaaro maamulladii kala duwanaa ee bartamaha Soomaaliya ka jiray, heshiiskan wuxuu dhabaha u xaari doonaa maamulka KMG ah oo ay ku midaysan yihiin dadka gobollada dhexe ku nool.”

Madaxweynaha Soomaaliya oo gunaanadkii munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay heshiiska, wuxuuna boggaadiyay dhinacyadii heshiiska gaaray oo uu sheegay inay u gudbeen samaynta maamul ay dadku u dhan-yihiin.

“Waxaan maanta salka u dhigaynaa maamul ay yeeshaan gobollada dhexe oo xaqiijin doona himilooyinka shacabkeenna. Dhammaan xubnaha dowladda oo ugu horreeyo ra’iisul wasaare Cabdiweli waxay kaalin weyn ka qaateen inaan maanta halkan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu-sunna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Hawshan waa bilow ma dhammaan weli, marka waa in laga wada shaqeeyaa hirgelinta heshiishkan. Beesha caalamka waxaan ka codsanaynaa inay garab-is-taagaan dadaalka aan dib ugu yagleelayno dhismaha dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya.”

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in heshiiska ay maanta gaareen dhinacyadan uusan waxba u dhimi doonin maamullada jira sida Puntland oo qaybo ka mid ah ay daris yihiin.

Wakiilada goob-joogga ka ahaa heshiishkan ee ka socday beesha caalamka, sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo kuwo kale ayaa dhammaantood heshiiskan soo dhoweeyey, iyagoo ballan-qaaday inay taageero ku bixinayaan hir-gelinta heshiishkan.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uusan qayb ka ahayn heshiiska lagu saxiixay Muqdisho ee lagu dhisayo maamul ay yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya