4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Dagaal Khasaare Geystay oo Dhexmaray Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda

Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Inta la hubo 10-askari ayaa ku dhintay dagaal tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeyay askar kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalkan khasaaraha geystay ayaa ka billowday isbaaro ciidamo ka tirsan kuwa dowladda u taallay deegaankaas, iyadoo ciidamada dagaalamay ay ahaayeen kuwo doonayay inay isbaarada qaadaan kuwo ka horjeeday in isbaarada laga qaado.

Sarkaalkii madaxda ka ahaa deegaanka Ceel-cadde ayaa ka mid ahaa askartii ku geeriyootay dagaalka, sarkaalkan ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Ceel-buur, iyadoo ciidamadii kale oo dhaawacyadu ay kasoo gaareen iskahorimaadka oo aan tiradooda la ogeyn ayaa la keenay isbitaalka Madiine ee Muqdisho.

Xaalada deegaankii lagu dagaalamay ayaa daganayd gelinkii dambe ee maanta, waxaana halkaas gaaray saraakiil ka socotay ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dayaya inay ka hortagaan dagaallo kale oo halkaas ka dhaca.

Iska-horimaadyada dhex-mara ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay inta badan waxay ka dhashaan muran isbaaro la qaadayo ka dhashay, iyadoo ay ka dhashaan iska-horimaadyadan ay sababaan dhimasho iyo dhaawac.

Dhawaan ayay ahayd markii iska-horimaad salka ku haya isbaaro la qaadayay uu ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ay ku dhinteen ciidammo ka tirsan kuwii isbaarada qaadaya iyo kuwii ay u taallay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay inaan loo dulqaadan doonin isbaaro, isagoo amar ku bixiyay in la toogto cid walba oo la arko iyadoo ay isbaaro u taallo waddooyinka magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya