4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Kulan looga hadlay Tahriibka oo lagu qabtay Magaalada Buuhoodle (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay dhibaatada tahriibta iyo sidii looga hortegi lahaa ayaa maanta lagu qabtay dugsiga sare ee Samatar Baxnaan ee magaalada Buuhoodle.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen bahda waxbarashada, waxaana kasoo qayb-galay waaliddiin, waxgarad, qaybaha culummada iyo dadweyne, waxaana si weyn looga hadlay dhibaatada uu dhallinyarada ku hayo tahriibka iyadoo lagu timaamay safarka sharci-darro ah.

Ugu horreyn, waxaa munaasabadda ka hadlay maamulaha dugsiga sare ee Samatar Baxnaan, Kayse Maxamed Xaaji Cali isagoo ka warbixiyay ujeeddada kulankaan ay ka leeyihiin, wuxuuna sheegay in maalin kasta ay la kulmaan waalid carruurtoodii baafinaya, kuwo lahaysto oo lacag aanay awoodeyn laga doonayo iyo qaar kale oo ay dhinteen.

Culummadii halkaas ka hadashay ayaa jeediyay wacdi ku aaddan tahriibka iyo sida uu u dhibaateeyo bulshada, iyagoo sheegay in diinta islaamka ay xaaraan ku tahay in qofku uu natiisa haligo, iyadoo tahriibkuna ka mid yahay waxyaabaha nafta lagu halligo sida ay culummadu sheegeen.

Adna Cali Axmed oo u hadashay haweenkii kasoo qayb-galay munaasabadda ayaa ka digtay in hooyooyinku ku lug yeeshaan dhiirri-gelinta tahriibka, waxayna xustay inay jiraan qaar badan oo hantidii maguurtada ahayd u xaraashay, waxayna intaas ku dartay in waaliddiintu ay mas’uul ka yihiin dilka ubadkooda.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda soo xiray, Cabdikariin Maxamed Cilmi oo ah guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Cayn, isagoo bulshada u dardaarmay inay ka digtoonaadaan tahriibka oo uu ku tilmaamay dilaa.

Kulanka looga hadlayay tahriibka ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddooyinkan ay dhallinyarada Buuhoodle si weyn u qul-qulayeen; iyagoo u socdaalaya meelo ay ka mid tahay Qaaradda Yurub, iyagoo la kulma dhibaatooyin fara badan.

Dhallinyarada tahriibayaasha ah ayaa sii mara safar dhib badan, waxayna intooda badan abbaaraan dalka Liibiya, iyagoo sii maraya dalka Suudaan, iyadoo waddanka Liibiya lagu haysto qaar badan oo dhallinyaradaas ka mid ah; kuwo maydadkooda la soo sheegayo iyo kuwo kale oo la la’yahay.





Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool