4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Ciidammo kusoo tababartay Imaaraadka Carabta oo Muqdisho kusoo laabtay


Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Waxaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ciidan gaar ah iyo saraakiil lagu soo tababaray dalka Imaaraatka Carabta, ciidamadaas oo loo soo tababaray ilaalinta madaxtooyada Soomaaliya iyo goobaha muhiimka ah ee caasimmadda.

Tirada ciidamadan ayaa ahayd 58-askari oo ay ku jiraan dhowr sarkaal, waxayna ku soo qaateen dalka Imaaraatka Carabta tababbar socday muddo labo bilooda ah.

Askartan iyo saraakiisha oo la socday diyaarad gaar ah oo kasoo qaadday dalka Imaaraatka Carabta ayaa waxaa garoonka diyaardaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay howlwadeenno ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya iyo saraakiil ciidan iyo weliba xubno ka socday safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku leedahay Soomaaliya.

Ku-xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada Somalia, Cabdi Muxumed Axmed oo ka hadlay munaasabaddii soo dhaweynta askartan ayaa dowladda Imaaraadka Carabta kaga mahadceliyay kuna ammaanay taageerada dhinac walba leh ee ay la garab-taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaya magaca madaxtooyada Somalia waxaan halkaan uga mahad-celinayaa taageerada dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka oo nala garab taagan mar walba taageeraro xagga dhaqaalaha, siyaasadadda iyo ciidamada ah,” ayuu yiri, Cabdi Muxumed.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Waxaa kaloo agaasime xigeenku uu kula dardaaramay ciidanka iyo saraakiisha soo dhammeystay tababbarka inay si hufan uga soo dhalaalaan howsha loo igmaday oo ah inay sugaan ammaanka goobaha muhiimka ah ee dowladda oo ay ka mid tahay xarunta madaxtooyada.

Waxaa kaloo halkaas isna ka hadlay, Col. Max’ed Maxamuud oo ah madaxa saadka ee madaxtooyada Somalia oo sheegay in taageerada dowladda Imaaraatka Carabta ay tahay mid muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa Soomaaliya ka wadda mashaariic kala duwan oo isugu jira kuwo bani’aadannimo iyo kuwo horumarineed, waxaana howlahaas ka mid ah dib u hagaajinta dhismayaasha madaxtooyda Somalia iyo isbitaal weyn oo ay ka dhiseyso degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, dhismahaasoo gabagabo ku dhow, kaasoo ay ku baxayso lacag malaayiin doollar ah.

Waxaa kaloo mashaariicda dowladda Imaaraadka ay ka fulinayso Soomaaliya ka mid ah; dhismaha dugsiyo, xarumo ciidan, saldhigyo booliis, ceelal biyoodyo iyo dowladaha hoose ee gobollada Soomaaliya.

Sidoo kale, dowlada Imaaraadka ayaa taageero ballaran u fidisay dadweynihii ku barakacay daadadkii iyo dabeylihii ku dhuftay meelo badan oo ka mid ah Somalia sannadkii hore. Iyadoo dowladda Imaaraadku ballan-qaaday inay dalka ka fulinayso howlo kala duwan oo horumarineed kaddib booqashadii ra’iisul wasaare, Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku tagay dalkaas horraantii bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Dhawaaan ayay ahayd markii safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia, danjire Maxamed Al-Cuthmaan uu waraaqihiisii aqoonsiga u gudbiyay wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza, iyadoo madaxweynaha Soomaaliyana la filayo inuu dhawaan ka gudoomo waraaqaha aqoonsiga danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya