4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Wasiirro ka Tirsan Puntlad oo Gaalkacyo kula kulmay Maamulka iyo Bulshada

Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku sugan wafdi isgu jira wasiirro, xildhibaanno iyo taliyeyaal ciidan oo ka socda Puntland, waxayna kulan kulmeen magaalada bulshada qaybaheeda iyo maamulka gobolka Mudug.

Wafdigan waxaa ka mid ah: wasiirka amniga Puntland, Xasan Cismaan Maxamuud Aloore, wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka, Cabdirashiid Maxamed Xirsi, wasiirka warfaafinta, Cabdulwali Xirsi Cabdulle (Indha-guran), wasiir-u-dowlaha arrimaha gudaha, Cali Yuusuf Cabdi (Giir), xildhibaan Siciid Xuseen Nuur iyo taliyaha ciidanka booliiska Puntalnd, Maxamed Siciid Jaqanaf, waxayna Gaalkacyo yimaadeen shalay oo Jimco ahayd.

Xubnahan ayaa waxay kala hadleen maamulkii iyo dadkii ay la kulmeen xaaladda gobolka Mudug iyo waxyaabaha ay dowladda Puntland ka tabanayaan.

Ujeeddada socdalka wafdiga ayaa lugu sheegay u gogol-xaaraya safar maalmaha soo socda uu madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku imaan doono magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdiweli xirsi Cabdulle (Indha-guran) oo qayb ka ah wafdiga ayaa xilli uu la hadlay saxaafadda wuxuu sheegay inay la shireen xubno ka tirsan maamulka gobolka Mudug, kan degmada Galkacayo iyo xubno ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka.

"Waxaan la kulannay maamulka gobolka Mudug, kan degmada iyo weliba qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka, waxaan dhammaantood kala hadlnay xaaladda gobolka iyo waxyaabaha ay ka tabanayaan maamulka Punland, fikiro ayaana la wadaagnay, waxayna noo sheegeen inay si dhow dowladda ula shaqeyn doonan," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay sii wadi doonan shirarka ay la qaadanyaan bulshada qaybaheeda kala duwan si ay uga xog wareystaan xaaladda gobolka, waxaana ugu baaqay bulshada magaalada Gaalkacyo inay ka shaqeeyaan amniga.

Dhinaca kale, amniga magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo xoojiyay, iyadoo lagu arkayay maanta ciidammo sugaya ammaanka, waxaana magaalada ka socda diyaar-garow la xiriira soo dhaweynta madaxweynaha Puntland, iyadoo arrinta loo xil-saaray guddiyo.

Magaalada Gaalkacyo, waxaa maalmo kaddib soo gaari doonna madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas, balse waxaa la sheegay xilligan inuu ka war dhowrayo ansixinta miisaaniyadda dowladdiisa ee sannadkan oo ay baarlamaanku haatan u fadhiyaan.

Iimaan Maxamed, Hiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya