4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Mas'uuliyiin Maanta booqatay Garoonka Kubada Cagta Kismaayo (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha magaalada Kismaayo, Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timojilic)  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo kormeeray garoonka kubadda cagta ee degmada Kismaayo ee loo yaqaan Waamo Studium, kaasoo mudooyinkii u danbeeyay ay ku socdeen howlo dib u dhis ah.

Garoonkan oo burbursanaa tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Somalia ayaa waxa dhawaan howlo dayactir ah ku bilowday dowladda Ingiriiska, waxaana howsha dhismaha ah wada injineero Soomaaliyeed.

Wafdiga gudoomiyaha ayaa waxa warbixin kooban ka siiyay xaaladda Garoonka guddiga isboortiga gobolka J/hoose ee uu hogaamiyo Burhaan Max’uud Xasan (Kukuuyu), waxayna kusoo wareegeen dhamaan qeybaha dayactirka lagu sameeyay ee garoonka.

Xoghayaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose Axmed Faarax Taqal (TimoJilic) ayaa ugu horeyn gudoomiyaha uga warbixiyay howlaha dayactirka ah ee lagu sameeyay garoonka Kismaayo, wuxuuna sheegay in howsha dhismaha ay imika mareeyso heer gebogebo ah, wuxuuna ka dalbaday gudoomiyaha in gacan laga siiyo sidii ay u dhameystiri lahaayeen waxyaalaha ka dhiman garoonka.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Howsha si fiican ayay u socotaa, inkastoo ay jirto dhaliil yar, haddana waxaan doonaynaa jecelnahay in maamulka uu shirkadda kala hadlay farsamada loo dhisayo garoonka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Intaas kaddib ayaa waxa uu godoomiyaha kusoo wareegay garoonka qeybihiisa kala duwan, isagoona  booqday dhamaan dhismayaasha laga hirgeliyay gudaha garoonka, wuxuuna uga danbeeyay saxaafadda uga warbixiyay booqashadiisa, isagoo dhaliil u jeediyay injineerada dhismaha ka wada garoonka.

Masuulkan ayaa sheegay in ay uga mahadcelinayaan dowladda Ingiriiska iyo dhamaan dadkii ka qeybqaatay howlaha dib u dhiska ah, wuxuuna sheegay in ay dhaliilsanyihiin qaabka ay u socoto howsha dhismaha, isagoo xusay in ay la kulmi doonaan shirkadda wada howlaha dib u dhiska ah.

Garoonkan oo ah kan ugu weyn ee gobolka J/hoose ayaa dayacnaa tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii uu hogaamin jiray AUN Max’ed Siyaad Barre,  waxaana howlahani dib u dhiska ee lagu sameeynayo garoonka si diiran usoo dhaweeyay guud ahaan bulshada ku dhaqan Jubooyinka ee xiiseeysa Isboortiga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya