4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Ganacsade Soomaaliyeed ku dilay Nairobi

Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan oo mooto wata ayaa shalay gellinkii hore ku toogtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Siciid Abuukar Cumar Caddaan.

Marxuumka ayaa lagu toogtay illinka dukaan uu ku lahaa waddada Mombasa oo ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo raggii dilay ay markiiba baxsadeen.

C/qaadir Abuukar Cumar Caddaan oo ay walaalo ahaayeen marxuumka ayaa u sheegay BBC-da in walaalkiis ay toogteen rag hubeysan ayna ku dhufteen saddex xabbadood oo dhaawac u geystay, isagoo mar dambe ku dhintay Isbitalka, isla shalay gellinkii dambena ay aaseen.

“Siciid wuxuu ahaa ganacsade illaa sannadkii 2007 ka ganacsanayay Nairobi, waxaa la toogtay 9:00 subaxnimo iyadoo lagu toogtay dukaan uu lahaa hortiisa, iyadoo ay toogteen rag bastoolado ku hubeysan oo mooto watay, dhaawacii gaaray ayuuna u geeriyooday,” ayuu yiri C/qaadir Cumar.

Mar uu C/qaadir ka warramayay cidda ay ku tuhmayaan in walaalkii ay toogteen ayaa sheegay inaysan aqoonin, balse ay Keenyaan ahaayeen, laakiinse tuhunka ay qabaan uu yahay inay ka raaceen banki uu lacag dhigtay, warbixintana booliiska ay u gudbiyeen, waxaana ka war-sugayaan wixii kasoo baxa baaritaanka.

Marxuumka ayaa waxaa dhalay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, isagoo dalka Norway ku noolaa muddo dheer, uuna la shaqeynayay hay’adaha UN-ka ee Nairobi ku sugan kala shaqeynaya dhinaca dhismaha.

Illaa hadda ma jirto cid loo qabtay dilka ganacsadaha iyo cid sheegatay inay ka dambeysay, iyadoo dilkiisu uu kusoo beegmayo xilli xaafadda Islii ee Nairobi ay ka socdaan howlgallo lagu xirxiray ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qaraxyo Nairobi ka dhacay toddobaadkii hore.

C/qaadir Abuukar ayaa sheegay in walaalkii uu ifka kaga tagay xaas iyo siddeed caruur ah, kuwaasoo haatan daggan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Nairobi lagu toogto ganacsade  Soomaaliyeed, kuwaasoo aanay jirin cid loo qabtay dilkooda, iyadoo inta badan dilalka noocan oo kale ay geystaan kooxo hubeysan oo burcad ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya