4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Dowladda Somalia oo wadda Qorshe lagu mideynayo Culumada Soomaaliyeed

Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ah sidii lagu mideyn lahaa culummada, si ay ugu adeegsato inay ka wacyigeliyaan shacabka fikradaha Al-shabaab oo ay dowladdu dagaal kula jirto.

Guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in dowladdu ay u idmatay inuu qabto shirweyne lagu dhisayo dallad ay ku mideysan yihiin culummada Soomaaliyeed oo dhan.

"Shirweynuhu wuxuu diiradda saari doonaa saddex qodob, si loo dhaqan-geliyo go'aannadii lagu gaaray shirweynihii la qabtay September, 2013 iyo in afkaarta culummada ee kasoo horjeedka xagjirnimada la mideeyo, sidoo kalena la sameeyo guddiyo isku dhaf ah oo ka kooban culummada iyo xukuumadda oo si xooggan uga shaqeyn doona jihaynta iyo wacyi-gelinta shacabka si loogu war-galiyo in firkirka xagjinimada ayna ka tarjumeyn diinta Islaamka," ayuu Sheekh Bashiir.

Wadaadka ayaa sheegay in shirweynahan soo socda uu si weyn uga duwanaan doono shirkii kale, waxaana ka qaybgeli doona wafdiyo caalami ah oo ka imaan doono dalalka muslimka ah ee caalamka.

"Shirweynihii September wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah balse wuxuu isku keenay culummo Soomaaliyeed kaliya. Hase ahaatee, shirkan aad ayuu uga duwan yahay taas, waxaana kasoo qaybgeli doona culummo waaweyn oo ka iman doona dalalka muslimka ah, xukuumadda iyo dhammaan culummada," ayuu mar kale yiri Sheekh Bashiir.

Dhan kale, Sheekh Salaad ayaa sheegay in marka shirweynaha lasoo gaba-gabeeyo guddiyo isku-dhafka ah loo diri doono dhammaan gobollada dalka si dadka looga wacyi-galiyo fikirka xagjirka ah ee Al-shabaab. Isagoo xusay in xukuumaddu ay ka aqbashay inay duruus diimeed ku darto manhajka waxbarashada dalka.

"Xag-jirnimada waxaa looga hortegi karaa in shacabka wax la baro, laakiin taasi waxay qaadan kartaa waqti dheer," ayuu mar kale yiri Sheekh bashiir oo intaas ku daray: "Waxbarashadu waxay sababi kartaa is-afgarashada xukuumadda iyo ururka culummada Islaamka."

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay doonaysaa inay culummada Soomaaliyeed u adeegsato inay dhinaca wacyi-gelinta bushada ee dhinaca fikradaha Islaamiga ah si ay ugula dagaalanto Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya