3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Haween Soomaaliyeed oo ka sheekeeyay kufsi ay u geysteen askarta AMISOM


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch soo bandhigtay warbixin ku saabsan kufsi ay askar AMISOM ka mid ah u geysteen haween Soomaaliyeed oo u raadsaday saldhigyo ay Muqdisho ku leeyihiin dawooyin iyo cunno, ayaa waxaa kufsigan sida uu u dhacay ka sheekeeyay qaar ka mid ah haweenkii xadgudubkan loo geystay.

Warbixinta HRW oo cinwaan looga dhigay [Awoodda ay noo adeegsadeen raggaas] ayaa waxaa eedeymahan lasoo jeediyay iska fogeysay AMISOM, iyadoo dowladda Soomaaliya oo si caro leh uga hadashay falalkan foosha xun ay sheegtay inay ku sameyn baaritaanno si loo xaqiijiyo.

Ayaan; waa hooyo barakac ahaan u deggen Muqdisho. Waxayna maalin maalmaha ka mid ah dawo u raadsatay saldhig ay ciiidammo ka socda dalka Burundi ku sugnaayeen si ay dawo ugu hesho cunuggeeda oo xanuunsanaa. Waxay sheegtay in turjubaanno Soomaali ah oo saldhigga ka shaqeeya uu u sheegeen inay soo laabato iyadoo aan cunug wadan si dawo loo siiyo. Markii ay soo laabatay, waxaa loo yeeray iyada iyo saddex gabdhood iyadoo la geeyay meel ay lix askari oo sugayay ku sugnaayeen.

Hooyadan ayaa sheegtay in askartu ay ku caar-caariyeen qoryo ay wateen… ayna u jiiteen dhufeyso halkaas ugu yaallay, waxayna intaas ku dartay inay garaaceen oo ay kufsadeen, mid ka mid ahna dhaawac culus loo geystay.

“Gabadhii dhaawacu gaaray ayaan gurigooda u soo qaadnay. Sadexdeennii kale innagoo lugeynayna oo wadna gabadha ayaan ka soo baxday saldhigga, wax iska daayeen gabadhu xitaa ma awoodin inay istaagto,” ayay tiri hooyadan magaceeda lagu soo gaabiyay Ayaan.

Iyadoo sii hadlaysa ayay intaas ku dartay. “Waxay nasoo siiyeen doolshe, farmaajo iyo min shan doollar, laakiin wax kale nama aysan oran, keliya waxay cunnada iyo lacagta noogu soo rideen boorsooyin yar-yar, dabadeedna way noosoo tuureen.”

Qamar oo ah gabar 15-sano jir ah ayaa iyaduna waxay tagtay xero ay askar ka tirsan kuwa Burundi ku suganaayeen si ay dawo ugu soo qaadato hooyadeed oo xanuunsan. Turjubaan ayaa ku wargeliyay inay laba askari oo xerada ka tirsan raacdo si ay dawada ay doonayso u soo siiyaan. Labadii Askari ayay raacday, waxayna ku kufsadeen qayb ka mid ah saldhigga.

“Askarigii hore wuxuu i kufsaday xijaabkeyga, kaddibna wuu ii cago-jugleeyay,” ayay tiri Qamar oo ka mid ahayd haweenkii la hadlay HRW, iyadoo sheegtay in askarigii hore uu ka tagay isagoo hadallo afla-gaaddo ah ku yiri, kii kalena uu kufsaday uuna siiyay 10 doollar.

Casiiso oo 17-jir ah kana mid ah barakacayaasha Muqdisho ayaa iyaduna u sheegtay HRW in turjubaan ay daris yihiin oo u shaqeeya AMISOM uu ku wargeliyay inuu barayo askari u dhashay dalka Uganda oo ay saaxiibbo noqonayaan, kaasoo i caawin doona haddii aan ula dhaqmo sida ninkeyga oo kale.

Markii ay tagtay saldhigga waxay aragtay afar gabdhood oo saldhigga ku sugan, mid kasta si gaar ah ayuu turjubaan ugu waday teendho gudaha saldhigga ku taallay, anigana waxaa ii yimid bay tiri turjubaankii aanu dariska ahayn.

“Turjubaanku wuxuu i baray askari Ugandyes ah oo aad u da’ weyn, waxaan turjubaanka u sheegay inaan mar labaad soo tashanayo oo aan baxayo. Turubaanku wuu iga diiday taas, wuxuuna igu qasbay inaan askariga raaco. Markii aan diiday hadallo ayuu billaabay inuu ii sheego hadallo waano ahaa, balse waan iska dhego-tiray, si aad ah ayuuna u carooday, wuxuuna ii soo celiyay tujubaanka oo ii hanjabay,” ayay tiri Casiiso. Iyadoo ugu dambeyn uu askarigu kufsaday uuna siiyay 10 doollar.

“Arrintu waxay ahayd inaan dhinto ama inaan u yeelo sida uu rabo,” ayay ku calaacashay Casiiso oo aan la sheegin xerada ay kaga jirto Muqdisho. Waxayna intaas ku dartay inuu si xun u kufsaday askariga Uganda ka socday.

La soco Berri Qaybta Labaad ee Warbixinta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/14/2014 3:10 PM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray dhismaha ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo lagu hirgelinayo Terminal weyn oo garoonku uu yeesho; kaasoo dhismihiisa ay waddo dowladda Turkiga.

9/14/2014 2:49 PM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Shaqaalaha waddamada Carabta ayaa waxaa maanta uu shir uga furmay magaalada Qaahira ee waddanka Masar, iyadoo shirkan oo socon doona hal toddobaad ah looga hadli doono xaaladda shaqaalaha dalalka Carabta iyo sidii wax looga qaban lahaa shaqo la’aanta ka jirta dalalka Carabta oo ay Soomaaliya ku jirto.

9/14/2014 2:43 PM EST
Axad, Sebtember 14, 2014 (HOL) - Shir lagu soo dhaweynayo shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee xaruntii hore ee Caymiska, iyadoo ay ka qeybgaleen ergooyin kala matalayay beelaha kala duwan ee dega Jubooyinka, ururada bulshada rayidka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.

9/14/2014 12:31 PM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si rasmi ah uga furay Baydhabo shirweynaha dib-u-heshiisiinta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo socon doona 45 cisho.

9/14/2014 11:22 AM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay si dhaqso ah wadahadal ugala furayso dowladda Soomaaliya muranka dhinaca badda ah ee labada dal u dhexeeya, kaasoo gaaray heer maxkamadeed.

9/14/2014 10:38 AM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay maanta inuusan ka qaybgalayn shirka dib u heshiisiinta Kismaayo oo lagu wado in uu maalin kaddib ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

9/14/2014 10:08 AM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Liberia, Ellen Johnson Sirleaf ayaa maanta oo Axad ah shaqada ka eriday 10-xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada dalkaas, kaddib markii ay fulin waayeen amar ay horay u soo saartay oo ahaa inay muddo ku siman hal toddobaad ay magaalada Manrovia kusoo laabtaan.

9/14/2014 9:45 AM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa ka dagay goor-dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo uu socdaalkiisa saldhig u yahay sidii uu u furi lahaa shirka dib u heshiisiineed oo ka soconaya Baydhabo muddo bil iyo bar.

9/14/2014 9:25 AM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Booliiska Uganda ayaa maanta sheegay inay xireen xubno ay uga shakisan yihiin inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay qorsheynayeen inay weerarro ka geystaan gudaha dalka Uganda.

9/14/2014 7:39 AM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay in aan Muqdisho lagu wadan karin gaadiid muraayadihiisu madow yihiin ama aan sumad lahayd, iyadoo waddooyinka Muqdisho lagu arkayay gaadiidka ka fiiqaya bacama madow gaadiidka gaarka loo leeyahay.

9/14/2014 7:16 AM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay sida xubnaha ka tirsan Al-shabaab ay uga faa’iideysan karaan cafiska dowladda Soomaaliya u fidisay, kaasoo ah muddo 45 maalmood ah.

9/14/2014 3:57 AM EST
Axad, September 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka lixda gobol ee Baydhabo, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa taageeray shirka maanta ka furmaya Baydhabo, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada uu khilaafku u dhexeeyo.