4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 6 , 2014
Mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia oo loo gudbiyay Baarlamaanka


Khamiis, November 06, 2014 (HOL) — Mooshin dhan ka ah ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa galabta loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo tani ay sii xoojinayso muranka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda sare ee dalka.

Warar lagu kalsoonaan ayaa sheegaya in mooshin ay saxiixeen xildhibaanno ka badan boqol, iyadoo uu ka guddoomiyay nidaamiyaha baarlamaanka kaas oo ku dhuftay shaabada qabashada mooshinkan.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in tiro wasiirro iyo xildhibaanno ah ay qayb ka yihiin xubnaha saxiixay mooshinka lagu doonayo in loogala laabto kalsoonida ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo ay jiraan kuwo ka soo horjeeda.

Inkastoo aan la hayn weli tirada saxda ah oo ah xildhibaannada mooshinkan saxiixay, haddana waxaa mooshinkan baarlamanka u gudbiyay 55 mudane sida aanu kasoo xigannay xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo diiday in magacyadooda la xuso.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa maalmahan si weyn ugu kala qaybsanaa mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo qaarkood ay ku goodiyeen inay iyaguna mooshin ka keenayaan guddoonka baarlamaanka haddii mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed.

Dhanka kale, mooshinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka dhinaca fikirka ah ee u dhexeeya madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaarihiisa, kaasoo beesha caalamku ay ku tilmaantay mid caqabad ku noqon kara horumarradii la gaaray.

Sannadkii hore ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanku Somalia ay kalsoonida kala laabteen ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon oo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh uu soo dhexgalay khliaaf xooggan oo saameyn ku yeeshay hay’adaha dowladda.

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo muddo sannad ku dhow haya xilka ra’iisul wasaarenimada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin mooshinka galabta laga geeyay baarlamaanka, laakiinse dhawaan ayuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in khliaafka kala dhexeeya madaxweyne Xasan la dhameyn doono dhowrka maalmood ee soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya