Madaxweynaha Somalia oo Cambaareeyay Dilkii 28-ka ruux ee Kenyaanka ah
Sabti, November 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu dilay 28-qof oo Kenya u dhashay, kuwaasoo ay mas'uuliyadda dilkooda sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Dabley aad u hubeysan ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday aroornimadii hore ee Saaka bus ay la socdeen 60-qof oo Kenyan ah, kaasoo ka tagay deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee Kenya - kuna socday magaalada Nairobi.
Xoogaggan oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa buska ku joojiyay deegaan 30-km jihada bari kaga aadddan degmada Mandheera oo aan xadka labada dal ka fogeyn, iyagoo toogtay 28-qfo oo rakaabkii gaariga ka mid ah, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen masiixiyiin.
Madaxweyne Xasan ayaa tacsi u diray ehellada iyo saaxiibbadii 28-ka qof oo isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo madaxa laga toogtay, wuxuuna madaxweynuhu toogashadooda ku tilmaamay fal argagaxiso oo naxdin leh.
“Falkan wuxuu muujinaya in argagaxisadu aysan dan ah ka lahayn nolosha bani’aadamka, sidaa daraadeed waxaa looga baahan yahay shacabka Kenya iyo kuwa Soomaaliya inay u istaagaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab,” ayuu yiri Xasan Sheekh, oo intaas ku daray. “Waan sii wadaynaa inaan dadweynaha Kenya ka taageerno dadaallada ay ku doonayaan inay ku jabiyaan argagaxisada.”
Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka taageerayso Kenya sidii baaritaan dhab ah loogu sameyn lahaa kuwii ka dambeeyay weerarkaas oo uu xusay in lagu dilay dad aan waxba galabsan.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo maanta hadlay ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid ay aargudayeen dad muslimiin ah oo uu sheegay inay ciidamada Kenya ku dileen gudaha dalalka Somalia iyo Kenya.
Rakaabkii lagu dilay weerarkan ayaa waxaa ku jiray macallimiin, iyadoo rakaab ka mid ah kuwii la socday buska kana badbaaday weerarka ayaa xusay in 28-ka qof madaxa dhulka loo dhigay dabadeedna madaxa laga wada-toogtay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya