10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 18, 2014
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo loogu deeqay buugta wax laga barto


Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Ururka daabacayaasha carbeed (Arab Publishers Association) ayaa 6000 oo buug oo deeq ah gaarsiiyay Jaamacada Ummadda Somaaliyeed oo dib loo furay sanadkan; iyagoo deeqdaas u soo mariyay ururka daabacayaasha Soomaaliyeed (Somali Publishers Association) oo fadhigiisu yahay Muqdisho.

Deeqdan ayaa waxaa Jaamacadda Ummadda u guddoomay guddoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda, Dr. C/llaahi Sh. Rashid (Maki) halka ay ururka daabacayaasha carbeed wikiil uga soo dhigteen wareejinta deeqdan Maxamed Axmed Shiil oo ah xubin ka tirsan guddiga fulinta ururkaas, ahna guddoomiyaha ururka daabacayaasha Soomaaliyeed, iyadoo ay wareejinta deeqdan buugaagta ah ay goob-joog ka ahaayeen hormuudka kuliyadda xanaannada xoolaha iyo guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda.

“Buugaagtan deeqdan ah waxay hordhac u yihiin deeqo fara badan oo aan soo wadno; kuwaasoo aan ugu talo-galnay inaan ku caawinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Maktabadeeda; si ardaydu u helaan buugaag fara badan oo ka kaalmeeya kobcinta iyo kordhinta aqoontooda. Buugaagta aan maanta guddoonsiinayno waa 6000 oo xabo waxaase goor-dhaw nasoo gaari doona illaa saddex konteenar oo kale oo aan rajaynayno in isbuucyada soo socda yimaadaan,” sidaa waxaa yiri Maxamed Shiil.

Sidoo kale, Maxamed Shiil ayaa ballan-qaaday in ururka daabacayaasha Soomaaliyeed dadka xubnahaha ka ah inay hadda kaddib buugaagta ay ganacsiga u keenaan laba koobi oo ka mid ah ku biirin doonaan Maktabadda Jaamacadda Ummadda si looga faa’iideeyo bulshadeena u ooman cilmiga iyo aqoonta.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee dhanka waxbarashada, Aadan Guuleed Shabeel ayaa isagana bogaadiyay kaalinta ay buuxiyeen labadan urur iyo sida ay xilligan Jaaamacadda ugu baahan tahay in laga taakuleeyo dhanka buugaagta. Isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Maxamed Shiil oo ah qofka ay ka timid isla markaana ku baraarujiyay fikirkan walaalaha Carbeed si ay u muujiyaan kaalinta dhinaca tacliinta ee ay ummadda Soomaaliyeed uga baratay.

“Baahi badan oo dhanka buugaagta ah ayaan qabnaa. Waxaanan ku dhiirri-gelinayaa ururka daabacayaasha Soomaaliyeed iyo kan Carbeedba inay sii laba-laabaan dadaalkooda. Dadka kale ee Soomaaliyeed ee u damqanaya dalkooda; iyagana waxaan leenahay waan soo dhawaynaynaa wixii taakulo ah si Jamacadda u hesho Maktabad aad u ballaaran oo buug kasta laga heli karo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Shabeel.

Jaamacadda Ummadda oo sanad dugsiyeedkan dib loo hawl-galiyay muddo 23-sano ka badan oo aysan shaqaynin kaddib, laguna billaabay ilaa lix (6) kulliyadood ayaa waxaa haysta xaalad buugaag yari ah; wuxuuna ururka daabacayaasha Soomaaliyeed ku dhiirri-galinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka qayb-qaataan sidii Jaamacaddu u heli lahayn buugaag ku filan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya