Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland oo Xukuumadda ku Eedeeyay In-qilaab

Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in golihii ciidamo la wareegeen, isla markaana ay xukuumaddu waddo inqilaab sharci daro ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in la xidhay xoghayihii guud ee golaha C/risaaq Siciid Ayaanle kaas oo uu ku tilmaamay sharci daro, isagoo madaxtooyadda ku eedeeyey burburinta golihii dadku soo doorteen.

Khilaaf cakiran ayaa ka jira golaha Wakiilada, waxaanay xildhibaanadda muxaafadka ahi wadaan mooshin xilka kaga qaadayaan gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cirro, haseyeeyeeshee dadweynaha ayaa laga cabsi qabaa inay mudaharaad ay ku badbaadinayaan golaha sameeyaan.

Sidoo kale, waxa ciidamo badan la soo dhoobay xarunta golaha iyo agagaarkeedda, taas oo lawada xidhay wadooyinkii soo galay xaruinta golaha, isla markaana ay xukuumaddu ka cabsi qabto mudaharaad arrintaasi ka dhasho oo ay sameeyeen dadweynaha, wallow gudoomiyaha golaha wakiladdu ku dhawaaqay inay dadweynuhu ka dareen caliyaan falalkaasi ay kula kacday xarunta baarlamaanka Somaliland.

Taliyaha ciidamada Booliska Gen:C/laahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in la bedelay ciidamadii ilaalin jiray xarunta Baarlamaanka, isla markaana ay waajib tahay in muddo marka la joogaba ciidanka la isku bedelo, waxaanu xusay in aanay jirin ciidamo dheeraad ah oo la keeenay golaha, isla markaan si caadi iskaga furmi doono kalfadhigii golaha Wakiiladdu.

Dhinaca kale, gudoomiyaha golaha Wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa maalmihii u dambeeyey taageerayaashiisa kula kulmayey goboladda Togdheer iyio Saaxil kuwaas oo si weyn usoo dhoweeyey, taas oo xukuumaddu ku eedeeysay inuu bilaabay olole aan wakhtigeeddii gaadhin kuna tilmaameen safarkaasi mid sharci daro ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland