1/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 12, 2014
Dab khasaare geystay oo xalay ka kacay suuqa xerada Qaxootiga Xagar-dheer ee Dalka Kenya (SAWIRRO)


Arbaco, November 12, 2014 (HOL) — Suuqa weyn ee xerada Qoxootiga Xagar-dheer oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab ee ay ku jiraan qoxootiga Soomaaliyeed ayaa waxaa xalay ka kacay dab khaasaare xooggan geystay.

Dabkaas ayaa baabi'iyay Masaajid ku yaalay gudaha Suuqaas, Maktabado, xarumo wax lagu barto, goobo ganacsi iyo weliba hanti fara badan oo ay lacagi ka mid ahayd.

Xasan Xuseen waa Ganacsade degan Xagar-dheer, wuxuuna Hiiraan Online u sheegay  in dabkaas uu ka kacay markii hore goob Studio iyo Photo iskugu jirto oo lagu duubi jiray Cajaladaha heesaha laga dhageysto, isla markaasna sawirro looga qaadi jiray dadka. wuxuuna tilmaamay in loo maleeyay dabkaas inuu ka dhashay koronto.

Dabka ayaa geystay khasaare hantiyadeed oo kala duwan sida uu sheegay Xasan, iyadoo dhaawacyo fudud ay kasoo gaareen dadkii damacsanaa inay damiyaan soo gaaray.

"Dabku qasaaro xoogan ayuu geystay, waxaana ku gubtay in ka badan illaa 20 dukaan oo iskugu jiray kuwa waa weyn iyo kuwa yar yar, waxaa sidoo kale dabkaas ku gubtay Bakhaaro ay yaaleen raashin  badan oo Jumlo iyo Tafaariikh loo gadi jiray" ayuu yiri Xasan Xuseen.

Hantida ku bas' beeshay dabkaas, ayaa wararku waxey sheegayaan iney u badneyd alaab bagaash ahaan loogu gadi jiray Suuqaas oo ku yaallo dhanka Galbeed ee Xerada Qaxootiga Xagar-dheer, gaar ahaan dhinaca xigo xaafada Dhii-one.

Ciidammada Booliska Kenya iyo Hay'adda Bisha Cas ee Kenya, ayaa si wada jir ah oga qeyb qaatay daminta dabkaas, iyagoona halkaas gaarsiiyay Baabuur Dab damis ah si loo xakameyo in dambaas uu ku sii fido goobo kale oo ganacsi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dab uu ka kaco Suuqa weyn ee Xerada Qaxootiga Xagar-dheer, waxaana jiray dhowr mar oo hore inuu sidaan oo kale qasaaro geystay dab xeradaas ka kacay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]   
Nairobi – Kenya