Haween badan oo Sannadihii ugu Dambeeyay ku biiray Ciidamada Dowladda
Khamiis, May 29, 2014 (HOL) — Saraakiisha ciidamada milateriga Somalia ayaa sheegay in tan iyo markii Al-shabaab laga saaray Muqdisho sannadkii 2011-kii ay kor u kaceen haweenku ka mid noqonaya ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ayaa ka saaray Muqdisho Al-shabaab dhowsr saddex sano ka hor, sida ay tabisay AP oo ah wakaaladda wararka Mareykanka.
Kala-dambeynta Soomaaliya ayaa si tartiib-tartiib ah dib ugu soo noqnaysa tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo 20- sano ka badan, iyadoo ciidamad sannadihii dambe Al-shabaab laga saaray deegaanno fara badan.
Naciimo Cabdi oo 25-jir ah ah hooyo la nool saygeeda ayaa sheegtay in ay ka mid noqotay ciidamada dowladda Soomaaliya laba sano ka hor, iyadoo xustay inay shaqeyso iyadoo xaas ah oo caruur leh, maadaama ay jeceshahay inay u shaqeyso dalkeeda.
“Qoyskayga waxaan kala kulmay mucaaradad weyn markii aan askariga noqday, waxayna u qaateen inay dhibaato isoo wajahayso, balse aniga ayaa doortay taas,” ayay AP u sheegtay Naciimo Cabdi
Haweenka ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xirta dharka ciidanka lagu yaqaanno, sidoo kalena waxay xirtaan koofiyadda ciidamada iyagoo qaar ka mid ah ay dusha ka mariyaan qamaarka si ay u muujiyaan haweennimadooda.
Ciidamadan dumarka ah ayaa markii ay shaqooyinka ka baxaan waxay xirtaan dharka caadiga ah iyagoo sidoo kale xirta indho-shareerka kaasoo u diidaya in ay gartaan dadka. Maadaama ay daggan yihiin goobo ku dhow deegaannada ay maamusho Al-shabaab.
Gabar kale oo askariyad ah ayaa iyaduna AP u sheegtay in qoyskeeda iyo dadka ay saaxiibbada yihiin ay uga digeen inay ka mid noqoto ciidamada ayna intooda badan kula taliyeen inay iska guursato.
Haweenka ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo tiradoodu ay gaarayso 1,500 oo askari ayaa waxay sheegeen inay kala kulmaan ciidamada tarkoor ku aaddan ka mid noqoshadooda ciidamada dowladda, iyagoo sheegay inay iyagu doorteen inay ciidamada ka noqdaan.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dumarka ka mid ah ciidanka ay doonayaan inay u adeegaan sida askari dagaalka kula jira Al-shabaab, laakiin intooda badan, waa la geeyay saldhigyada booliiska si ay uga geystaan gacan sugidda amniga dalka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya