4/25/2025
Today from Hiiraan Online: AU Chairperson urges continued support for Somalia as securi...
Wararka Maanta- Khamiis, May 15, 2014
Hoggaamiyaha Al-shabaab oo ka hadlay dagaallada Soomaaliya iyo Kenya

Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Hoggaamiyaha Al-shabaab, Sheekh Cabdiraxmaan Abu-Zubery oo soo saaray cajalad maqal ah oo ku baxaysay afka Carabiga, isagoo ugu horreyn ku boorriyay muslimiinta Kenya inay la dagaalamaan dowladda dalkooda oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayso muslimiinta dalkaas ku nool.

Sheekh Abuu-Zubeyr ayaa sheegay in dhaqaalihii iyo ammaankii Kenya uu hoos u dhacay, isagoo taas u sababeeyay duullaankii ay Somalia kusoo qaadeen, isagoo xusay in Kenya aysan nabad helayn inta ay Soomaaliya ku jirto.

“Kenya waxaan leennahay waxaad gasheen khalad taariikhi ah markii aad kusoo duusheen Soomaaliya oo lagu maamulayo diinta Islaamka, taas natiijadeeda waxay noqontay in ammaankiina uu xumaado, dhaqaalihiina uu burbur ku dhaco iyo inay ciidammo badan ku waayaan,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Zubeyr.

Amiirka Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya ay ugu baaqayaan inay ka digtoonaadaan in dalalka galbeedka iyo Yuhuuddu ay geliyaan dagaal aysan waxba uga tarayn, isagoo ku boorriyay inay qaataan inay nabad ku noolaadaan oo ay isaga baxaan  Soomaaliya.

“Waxaa tusaale idin kugu filan weerarkii Westgate Mall oo dhibaato badan ay idinka soo gaartay, waxaadna ku ogaateen in dalalka dhibaatada idin gelinaya ay gacmaha idinka laabteen oo dhibaatadu ay keligiin idinku dhacday,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Abuu-Zubeyr.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa ka hadlay dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, isagoo xusay inay deegaanno badan ku go’doomiyeen ciidamadan oo aysan xitaa sahayda isku gudbin karin.

“Ciidamada AMISOM dhibaato ayay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka codsanaynaa shacabka Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan mujaahidiiinta dagaalka ay kula jiraan ciidamada gaalada ah ee dalka kusoo duulay,” ayuu hadalkiisa mar kale ku yiri hoggaamiyaha Al-shabaab.

Ugu dambeyn, wuxuu dagaalyahannada Al-Qaacida ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan  dhibaatooyinka lagu hayo dadka muslimiinta ah ee ku nool deegaannada ay Dunida kaga sugan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya