Ciidankii Itoobiya oo isaga baxay Balad-xaawo iyo xiisad ka taagan Degmadaas

Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan weli xiisad daba socota dagaalkii shalay ka dhacay degmada, iyadoo ciidamadii Itoobiya ee degmadaas ku suganaana ay isaga baxeen.

Wararka laga helayo degmada Balad-xaawo ayaa waxay sheegayaan labadii ciidan ee ku dagaalamay degmada ay weli is-horfadhiyaan, sidoo kalena uu isku socodka gaadiidka iyo dadku uu weli xayiran yahay.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in cidamada dagaalamay ay gurmadyo uga kala imaanayaan degmooyinka Garbahaareey iyo Doolow, iyadoo laga baqdin qabo in dagaallo kale ay dhacaan.

Dhanka kale, ciidamadii Itoobiya ee qaybta ka ahaa kuwa AMISOM oo horay ugu sugnaa degmada ayaa isaga baxay, taasoo xoojisay cabsida laga qabo inay mar kale uu dagaal ku dhexmaro degmadaas ciidamada isku-haya gacan ku haynteeda Balad-xaawo.

Lama oga sababaha dhabta ah ee ciidamada Itoobiya ay uga baxeen degmadaas iyagoo horay ugu kala dhex-jiray labada ciidan ka hor intii uusan qarxi dagaalkii shalay ka dhacay degmadaas oo ay ku dhinteen in ka badan 10-qof oo isugu jiray shacab iyo askartii dagaalamay.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ku eedeeyay dagaalkii shalay ka dhacy degmadaas guddoomiyaha degmada Dooloow, iyadoo aysan jirin weli war ah oo kasoo baxay dhinaca guddoomiyaha degmada Doolow oo ku saabsan dagaalka.

Ciidamada ka yimid Dooloow ayaa la sheegay inay taageersan yihiin maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo ciidamadii horay ugu sugnaa degmadaas oo isugu jira Ahlusunna iyo kuwa dowladdana ay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Somalia weli kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan colaadda ka taagan degmada Balad-xaawo, iyadoo shacabkii degmadaas ku noolaa ay ka baxeen degmada, iyagoo ku sugan deegaanno degmada ku dhow.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya