10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 25, 2014
SHARIIF XASAN: “Ma doonayno Inaan shacabka Baydhabo iska horkeenno”


Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan oo ku sugnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay saddexii casho ee ugu dambeysay ayaa wareysi uu kaga hadlayo mudaaharaadyada looga horjeedo ee Baydhabo ka socda siiyay HOL, isagoo sidoo kale ka hadlay dhismaha maamulka saddexda gobol ee uu hormuudka u yahay.

Shariif Xasan ayaa sheegay inaysan doonayn inay dadka Baydhabo iska horkeenaan oo dhibaato dhacdo, ayna taageerayaashooda ku wargeliyeen inaysan rabshado ka sameyn karin magaalada, wuxuuna intaa ku daray inaysan doonayn in dhibaato ay dadi ku dhintaan ay Baydhabo ka dhaco.

“Innagu waan sameyn karnaa kuwo la mid ah dibadbaxayada magaalada Baydhabo laga sameynayo, balse ma doonayno inaan shacabka Baydhabo iska horkeenno oo ay dhimasho dhacdo,” ayuu Sharifi Xasan u sheegay HOL.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegayi n go’aanka ay kaga baaqsanayaan dibadbax ay ka dhigaan Baydhabo ay iyagu gaareen, wax rabashado ah oo ay illaa hadda  ka sameeyeen magaaladaasna aysan jirin.

“Dadka dibadbaxyada ka dhigaya Baydhabo waa dad lasoo ururiyay oo aad u yar, waxaana laga dhaadhiciyay wax aan jirin,” ayuu xildhibaanku kaga jawaabay su’aal ahayd inuu sharraxaad ka bixiyo cidda dibadbaxayada looga horjeedo ka dhigaya Baydhabo.

Xildhibaan Shariif Xasan oo sii hadlayay ayaa sheegay in dadka dhisay maamulka lixda gobol laga doonayo inay maamulkooda hirgeliyaan oo ay deegaannada uu ka taliyo ay geeyaan oo maamulo u sameeyaan.

“Waxaa in la is-weydiiyo mudan ma tegi karaan deegaannada ay sheegayaan in maamulka ay dhiseen uu ka taliyo, runta in la isku sheego ayaa wanaagsan. Annagu waxaan qabnaa inaysan tegi karin, waxa keliya oo tegi karaan waa gobollada aan doonayo inaan maamulka u sameyno, mana jirto meel kale oo ay tegi karaan,” ayuu Shariifku hadalkiisa raaciyay.

Mar HOL ay weydiisay xilliga lasoo gabagabeynayo dhismaha maamulka saddexda gobolka iyo inuu isagu yahay murashax u taagan xilka madaxweynenimo ayuu ka meer-meeray inuu si toos ah uga jawaabo, isagoo sheegay in su’aasha ah inuu isku sharraxayo madaxweynenimada maamulka ay tahay markii ugu horreysay oo la weydiiyo.

Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay in maamulka dhismihiisa ay u saareen guddi gaar ah ayna ku howlan yihiin, lana sugayo inta xalaadda Baydhabo ay ka dagayso oo keliya.

Xildhibaan Shariif Xasan ayaa magaalada Baydhabo gaaray laba maalmood ka hor, iyadoo magaalada ay ka billowdeen dibadbaxyo looga horjeedo, waxaana uu gar-wadeen ka yahay dhismaha maamulka saddexda gobo loo shirkiisu uu dhowrkii bil ee lasoo dhaafay ka socday magaaladaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya