4/8/2025
Today from Hiiraan Online: Farmaajo demands probe into death of detained officer Sheego...
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 25, 2014
Bannaanbax looga soo Horjeedo Heshiiskii Muqdisho oo ka dhacay Baydhabo

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Dibadbax weyn oo looga soo horjeedo heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho ee xukuumaddu ay sheegtay inay ku heshiisiisay labadii maamul ee Baydhabo lagu dhisay ee saddexda iyo lixda ayaa maanta ka dhacay degmada Baydhabo.

Bannaanbaxan ayaa waxaa ka qaygalay mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka lixda gobol oo horkacayay dibadbaxa, waxaana dadweynaha ka qaybgalay ay wateen boorar ay ku muujinayaan sida ay heshiiskaas uga soo horjeedaan.

Shacabka dibadbaxa ka qaybgalay ayaa ku lugeeyay waddooyinka waawey ee magaaladaas iyagoo ku qaylinayay erayo ay kaga soo horjeedaan madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ciidamada booliiska gobalka Bay ayaa isku dayay inay joojiyaan bannaanbaxaas, laakiin waxaa ka xoog batay dadweyne careysan oo jiiray ciidamadii isku dayay inay jooojiyaan bannaanbaxaas.

Didbadbaxan ayaa waxaa horkacayay Cabdullahi Maxamed Idris (Leesto) oo ka mid ah wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban iyo Yuusuf Maxamed Kheyr, kuwaasoo jeediyay hadallo kulul oo ay ku diidayaan heshiiskaas.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Baay iyo siyaasiga Yuusuf Maxamed kheyr ayaa sheegay inay dagaal ka xigaan arrimaha Muqdisho ka socda, ayna yihiin kuwo aan ka hirgeli doonin Baydhabo.

Bannaabaxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor ay Muqdisho ku kala saxiixdeen maamullada Koonfur-galbeed ee lixda gobolk iyo saddexda heshiis ay madaxda dowladda Soomaaliya sheegeen inay muddo ku qaadatay ka soo shaqeyntiisa.

Xubnihii heshiiska saxiixay ayaa lagu wargeliyay inay dib ugula noqdaan gobolka Bay oo ay shacabka kasoo dhaadhiciyaan muddo kooban gudaheen, iyadoo aan la ogeyn sida ay taasi ugu suuro-geli karto maadaama uu maanta dhacay dibad-bax looga soo horjeedo heshiiskaas.

Hiiraan Online, Baydhabo