5/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 24, 2014
GOODAX: “Heshiiskii Aqoonsiga Maamulka Saddexda Gobol waa sahrci-darro”


Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa kasoo horjeestay heshiiskii lagu saxiixay magaalada Muqdisho shalay ee ay ku aqoonsatay dowladda Somalia maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed.

Goodax oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sharci-darro ku tilmaamay heshiiskaas, isagoo xusay in markii hore qalad la galay, saxiixa heshiiskii shalayna uu kaas la mid yahay.

“Arrintan sharciga ma waafaqsana, wasaaradeyda markii hore siyaasad gooni ah ayay ka lahayd arrinta maamul u sameysta dalka, hadda meelaha maamullada loo sameynayo xor ma ahan, meelo ka mid ah weli waa la haystaa, runtii kii ka horreeyay heshiiskan ayaa far-qaha la isku haystaa weli kanna kuwaas ayuu la mid yahay,” ayuu Goodax ku sheegay wareysiga.

Wasiirka ayaa muujiyay in wasaaraddiisa fara-gelin lagu haayo, ayna dhaliilsan tahay sida wax u socdaan, isagoo si cad u diiday habkii loo maray aqoonsigii maamulka saddexda gobol oo ay muuqatay in hal dhinac kaliya ka socotay.

Horay ayay wasaaradda arrimaha gudaha u caddeysay mowqifkeeda maamuladii looga dhawaaqay Baydhabo ee saddexda iyo lixda gobol, iyadoo ku tilmaanyay mid aan sharci ahayn.

C/llaahi Goodax ayaa wuxuu hadalkiisu imaanayaa kaddib munaasabad shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo lagu saxiixay heshiis ay wada gaareen maamulka saddexda gobol iyo lixd gobol, iyadoo dowladdu aqoonsatay maamulka saddexda gobo lee ka kooban gobollada Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Waxaa heshiiskan labada maamul u kala saxiixay C/fataax Geesey oo Nuunow uu sheegay inay xilka ka qaadeen iyo iyo Maxamed Xaaji C/nuur oo ka socday maamulka saddexda gobol ka kooban.

Qodobbada heshiiskan oo 11 ka koobnaa ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ka digayso in laga horyimaado heshiiskan, iyadoo xustay in ciddii ka hor-timaadda lagu qaban doono gacan bir ah.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka socday beesha calaamka, iyadoo guddi ay labada dhinac iska saareen laga dalbaday inay muddo 30-maalmood gudahood ah kusoo diyaariyaan qorshaha dhismaha maamulkan, ayna dib ugula laabtaan Baydhabo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya