10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 19, 2014
DAAWO SAWIRRADA: Booqashadii Madaxweynuhu ku tagay Jowhar, Xudur...


Khamiis, June 19, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa oo ay ka mid ahaayeen wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Aadan Maxamed Nur (Saransoor) iyo xildhibaano ayaa booqashooyin kala duwan ku tagay shalay magaallooyinka Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo Waajid oo ka kala tirsan gobolllada Shabeellada Dhexe iyo Bakool.

Wafdiga ayaa booqashadooda ku billaabay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo markaas kaddib u gudbay deegaanka Buurane oo ka tirasn degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasoo uu dhagax-dhigay madaxweynaha jaamacaddii ugu horreysay oo laga hirgelinayo gobolkaas.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u dhaqaaqay dhanka gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool. Waxaa halkaas kusoo dhaweeyey maamulka degmada Xudur iyo kan gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadda xoogga dalka ee halkaas ku sugan, iyadoo madaxweynuhu maamulka ka wareystay xaaladihii ugu dambeyay iyo deeq dhawaan la gaarsiiyay dadka deegaanka, isagoo u mahad-celiyey dowladda Turkiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo deeqda qayb xoog leh ka qaatay, isla markaana maamulka gobolka Bay ayuu ku ammaanay sida ay uga shaqeeyeen in deeqdaas magaalada Xudur ay gaarto.

Xasan Sheekh ayaa meel fagaare ah kula hadlay kumannaan dadweyne ah oo u soo baxay soo dhaweynta wafdiga isagoo sheegay in ujeeddada booqashadiisu tahay u kuur-gelidda xaaladaha dhabta ah ee dadka gobollka deggen. Sidoo kale, wuxuu u sheegay in dadka gobolka Bakool lagu yaqaanno dhiirranaan iyo cadow iska celin isagoo ku ammaanay dadka deegaanka, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Itoobiya sida ay uga adkaadeen kooxaha nabad-diidka ah.

"Magaalladu inay sidan u camirnaato waxaa lagu gaaray adkeysiga dadkeeda iyo dadnimadooda. Sida la og-yahay dadka reer Xudur waa dad aad geesiyiin u ah oo aan dhaqso baqan, dhaqsana aan u rajo dhigin. Sidoo kale, taliska ciidamada ayaa warbixin igu siiyay in ciidamadda xoogga ee halkaan joogana ka mid yihiin kuwa ugu aqlaaqda wanaagsan ciidankeenna," ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh oo sii hadlayay ayaa yiri: “Maamulka wuxuu dowladda dhexe mar walba lasoo socodsiiyaa xaalad walba oo idin la soo gudboonaata, waana idinka warqabnaa. Dowladda wax walba ay kari karto way idin qaban doontaa. Kaalmo hadda waa idin soo gaartay kuwa ka badanna waa idin soo gaari doonaan dhawaan. Dadka deegaankaan deggen ma ahayn kuwa kaalmo u baahan ee kuwa ka maarmo ayay ahaayeen oo wax soo saarta oo xoolo leh, daruufaha kuwa nabad-diiddan ay keeneen ayaa sababay; Ilaahay idinkii qof walba isku filnaansho ayuu gaari doonaa magaalada horumar weyn ayay ku tallaabsan doontaa dhawaan."

Madaxweynaha ayaa si kalsooni leh u gacan qaaday shacabkiisa xaaladoodana ka wareystay, wuxuuna kulan gaar ah xarunta maamulka gobolka kula kulmay qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka waxayna sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee booqasho ku yimaada gobolka tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Gababagii madaxweynuhu wuxuu booqashadiisa kusoo gaba-gabeeyey magaalada Waajid ee gobolka Bakool; waxaana kusoo dhaweyey maamulka degmada iyo dad-weynaha oo isugu soo baxay fagaaro ku yaala bartamaha degmadaas. Iyadoo uu ka wargeysay madaxweynuhu dadka deegaanka xaaladooda nololeed. "Reer Waajid dowladiinna waa idinka warqabtaa waana idinka warqabi doontaa marar badanna halkaan waan kusoo laaban doonaa," ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa gabal-dhicii kusoo laabtay Muqdisho, waxaana xusid mudan in madaxweynuhu magaalooyinka uu tegay uusan u wadan wax ilaalo gaar ah, taasoo aan horay u dhicin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya