11/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 17, 2014
Tababbar dhinac Aqoonta Beeraha ah oo loo qabtay Beeraleyda Gobalka Bay


Talaado, June 17, 2014 (HOL) — Guddiga beeraleyda magaalada Baydhabo ayaa tababbar ku saabsan beeraha qudaarta iyo geed-miroodka u qabtay beeraleyda Baydhabo, guddigaas oo lagu magacaabo Bay Agriculture Committee.

Tababbarkan ayaa hadda ka billowday magaalada Baydhabo, iyadoo la rabo in ku dhawaad 230 beeraley ah loo qabto waxaana qaybtii ugu horreysay tababbarkan loo furay maanta, kaasoo socon doona muddo15 maalmood ah.

Beeraleyda ayaa ku baran doona tababbarkan habka barashada qudaarta iyo geed-miroodka iyo sidoo kale faa’iidada ay leedahay qudaarta.

Macallimiinta ayaa waxaa ka mid ah, Cali Shariif Karey, Idris Cabdi, Maxamuud Ibraahim Yare iyo Zubeyr Sheekh Cabdi oo dhamaantooda ah qqoonyhanno soo bartay cilmiga beeraha iyo dhirta.

Furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka hadlay xogayaha wasaaradda beeraha ee maamulka Koofur-galbeed, Mustaf Cusmaan C/lle iyo guddoomiyaha beeraleyda Cabdullaahi Sheekh Xaamuud, iyagoo sheegay inaysan jirin hay’ad howshan ku siisay gacan ha ahaadaan hay’adaha dowliga ah iyo kuwaan dowliga ahayn.

“Tababbarka maanta la furey anagaa ka codsanay aqoonyahannada Gobalka Bay ee ku taqaqusey beeraha,” ayuu yiri C/llaahi Sheekh oo mahadcelin u jeediyay aqoonyhannada tababarkan bixinaya, isagoo dhaliilay hay’adaha Beeraha oo aan wax gacan ah siin.

Hiiraan Online, Baydhabo