4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 14, 2014
Madaxweyne Gaas iyo Wafdi uu Horkacyao oo u Dhoofay Dalka Imaaraadka


Sabti, June 14, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta.

Wefdiga Madaxweyne Gaas waxaa kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah, Guddo omiye ku-xigeenka Baarlammaanka iyo weliba saraakiil kale oo ka tirsan madaxtooyada.

Madaxweynaha oo garoonka si kooban warbaahinta ugula hadlay, ayaa sheegay in ujeedada safarka isaga iyo wafdiga uu horkacayaa ay tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dhinac [Puntland iyo Imaaraadka Carabta].

“Waxaan u amababaxayaa wadanka isutaga imaaraadka carabta oo aanu ka helnay martiqaad rasmi ah aniga iyo xubno katirsan dowlada, socdaalkuna waxa uu la xiriira sidii aanu u adkayn lahayn xiriirka noo dhaxeeya’’ Madaxweynaha ayaa sidaas war-fidiyeenaka u sheegay.

Dhan kale, wuxuu ka hadlay xaaladda gobolka Sool iyo la wareegidii ciidanka Somaliland ee degmada Taleex, isagoo arrintaas ku tilmaamay daandaasi qaawan sheegayna in hadda wixii ka dambeeya Puntland aysan u dulqaadin doonin falalka caynkaas ah deegaanadeedana ay difaaci doonto.

Isagoo taas ka hadlayey wuxuu yiri: "dagaalkii qaawanaa ee Maamulka Soomaaliland uu ku soo qaaday degmada Taleex kuna laayey dad ka kuwa kalena ku barakiciyey waa wax aan loo dulqaadan Karin"

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa qaadan doonta muddo shan maalmood ah. Xiriirka Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayaa  dhowrkii sano ee ugu dambeeyey ahaa mid aad u wanaagsan, waxaana xusid mudan in Dowladda Imaaraadku ay dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba u taageerto ciidamada badda ee Puntland oo xaruntooda ugu weyni ay magaalada Boosaaso tahay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya