4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2014
Imisa Ruux ayaa tan iyo markii ay dhalatay Bisha Ramadaan lagu dilay Muqdisho


Sabti, July 26, 2014 (HOL) — Tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan oo gabo-gabo ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay ugu yaraan 71-qof oo ay ku jireen laba ka mid ah xildhibaan oo baarlamaanka Soomaaliya, askar, dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho lagu dilay 25-qof oo shan ka mid ah ay yihiin mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay ka mid ahayd; xildhibaanad Saado Cali Warsame, laabtan ruux ee kalen waxay ahaayeen shacab iyo askar.

Dilalkan ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, inkastoo aysan sheegin inay dishay dad shacab ah, waxaana inta badan dadka ay ku dileen Muqdisho ay ku sheegayeen inay ahaayeen xubno dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo askar.

Qaar ka mid ah dilalkan ayaa waxaa lagu fuliyay gaadiid ay wateen xubno Al-shabaab ka tirsan, waxaana dadka lagu dilay gaadiidka ka mid ah sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda Qaranka iyo ilaaladiisa iyo xildhibaannadii kala ahaa; Saado Cali Warsame iyo Maxamed Maxamuud Xayd oo bishan Ramadaan la dilay labadaba.

Sidoo kale, qaraxyo lagu xiray gaadiid ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Al-shabaab dilalkan ku geysteen, inkastoo ay jiraan kuwo ka badbaaday iyo kuwo la arkay in waxyaabaha lagu xiray ee loogu talogalay in xubnaha isla leh lagu dilo.

Al-shabaab ayaa waxay weerartay intii lagu jiray bishan Ramadaan xarunta baarlamaanka iyo madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo keentay in xilalka laga qaado labadii taliye ee ciidamada booliiska iyo nabad-sugidda Soomaaliya, kuwaasoo loo magacaabay taliyeyaal cusub.

Xukuumadda oo isku dayaysa inay xakameyso weerarrada ay Al-shabaabku ka geysanayso Muqdisho iyo ayaa waxay u magacowday wasiirka Amniga Qaranka, oo loo magacaabay xubin horay uga tirsanaa hay’adda nabad-sugidda, Khaliif Axmed Ereg.

Askarta la dilay inta lagu jiray Ramadaanka ayaa waxaa ka mid ahaa shan askari ka mid ah ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada, kuwaasoo hal toddobaad gudihiis siyaabo kala duwan loogu dilay waddoohinka ugu muhiimsan Muqdisho.

Tallaabooyinkan ayaa waxay keeneen in maxkamadda ciidamada qalabka sida oo jawaab ka bixinaysa falalka ammaan-darro ee ay Al-shabaabku Muqdisho ka geysanayaan inay ku toogto Muqdisho lix ruux oo ay sheegtay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen, kuwaasoo lagu eedeeyay dilal iyo qaraxyo ay Muqdisho ka geysteen, inkastoo raggan la dilay laba mid ah ay Al-shabaab diidday inay ka tirsanaayeen.

Si kastaba ha ayaatee, illaa hadda dowladda Somalia cidna uma qaban dilalkii loo geystay labadii xildhibaan ee baarlamaanka ka tirsanaa, inkastoo wararka aanay weli dowladdu shaacin ay sheegayaan inay jiraan dad loosoo qabtay dilkii xildhibaan Saado Cali Warsame oo maalin ka hor ka dhacay Muqdisho.

Billowgii bishan ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay barnaamij ahaa nabad ku afur, balse isku bedelay baqdin ku afur, markii ay Al-shabaabku ka dhabeeyeen ballan-qaadkoodii ahaa inay Muqdisho ka fulin doonaan qarxyo iyo dilal qorsheysna inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Dhanka kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare ayaa ka dhawaajiyay in ruuxii loosoo qabto Al-shabaabnimo ay si dhaqso ah ugu fulin doonaan dil toogasho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jirta cabsi weyn oo shacabku qabaan, iyadoo qaar ka mid ah xildhibannada baarlamaanka ay walaac xooggan ka muujiyeen dilalka loo geysnayo xubnaha ka tirsan baarlamaanka, waxayna sheegeen in haddii xukuumadu ay wax ka qaban weydo amni-darradan Muqdisho ay go’aan cad qaadan doonaan, kaasoo aysan sheegin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya