4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Mid ka mid ah Kooxihii Weeraray Madaxtooyada oo shaaciyay inay Qorsheynayeen inay dilaan Ra’iisul Wasaaraha Somalia (DAAWO VIDEO)


Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta ruux looga shakisan yahay inuu maleegay weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia habeennimadii Talaadada ee aynu soo dhaafnay.

Maanta ayaa lagu soo bandhigay Muqdisho nin ay magaciisa ku sheegtay Xasan Muxyadiin oo loo yaqaan (Bastolad-weyne), kaasoo wareysi siisay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya.

“Waxaanu doonaynay inaan weerarkaas ku dilno ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed, laakiin waxaa qorshaheennaas naga hor-joogsday sarkaal ka tirsan madaxtooyada oo lagu magacaabo Mukhtaar, kaasoo naga shakiyay waxaana markaas billaabatay rasaas sababtay in nagala saaro halkii aan joognay oo ahayd meel u dhexeysay xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xarunta wasaaradda maaliyadda,” ayuu yiri Xasan.

Kooxaha weerarka qaaday waxay saddex ka mid ah wateen dharka lagu yaqaan ciidamada milateriga Somalia, kan kale oo ah ruuxa la qabtayna wuxuu xirnaa dhar caadi ah, waxayna dhammaantood ku hubeysnaayeen AK-47 iyo bam-gacmeedyo. Iyadoo la sheegay in ruuxa la qabtay uu ahaa mid laga yaqaan madaxtooyada iyo agagaarkeeda; taasoo u fududeysay inuu awood u yeesho inuu ka gudbiyo koontaroollada laga ilaaliyo madaxtooyada iyagoo ay u suuro-gashay inay gaaraan meel aan ka fogey dhismaha wasaaradda maaliyadda.

Ruuxan ayaa sheegay inuu ku lug lahaa weerarkii kan ka horreeyay ee lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya bishii Feberaayo ee sannadkan, kaasoo lagu dilay in ka badan 10 ruux oo ay ku jireen saraakiil dowladda ka tirsanaa, sidoo kalena uu wax ku lahaa weerarkii lagu qaaday hoteelka Maka Al-mukarama ee Muqdisho dhammaadkii sannadkii hore.

          DAAWO FIIDIYOWGII WAREYSIGA XASAN BASTOOLAD-WEYNE

Sidoo kale, Xasan wuxuu ku sheegay wareysiga inuu muddo laba sano ah ku jiray howlo ka dhanka ah dowladda Soomaaliya oo ay Al-shabaab fulisay, uuna qorsheeyay weerarro dhiig badan uu ku daatay oo ay Al-shabaab Muqdisho ka fuliyeen.

“Warbixinnada madaxtooyada ee aan siin jiray Al-shabaab waxaan intooda badan gudbin jiray waqtiyada salaadaha, sida meelaha ay wasiirradu dhigtaan baabuurta, dhaq-dhaqaaqa wasiirka gaashaandhigga iyo arrimo kale oo muhiim ah,” ayuu Xasan ku yiri wareysigiisan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in laba walaalihiis ka mid ahaa ay Al-shabaab ka tirsnaayeen ayna dhinteen iyagoo dagaalamaya, walaashiis ka yar oo uu ku sheegay magaceeda Najmo-na uu qabo sarkaal Al-shabaab ka tirsan oo lagu magacaabo, Cabdirisaaq kaasoo ahaa kan uu ku xirnaa.

Wiilkan oo dhallinyaro ah ayaa ahaa darawalkii baabuurkii lagu fuliyay qarxii ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray dhismaha madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo noociisu ahaa NOAH, isagoo xusay inay gaariga u gadeen Al-shabaab, ayna siin jireen bil walba lacag dhan 200 oo doollar si uu xogta ugu gudbiyo.

Xasan oo dhaawac qaba ayaa ku jiraa xarunta hoggaanka baarista hay’adda nabadsugidda Qaranka, isagoo wareysiga lala yeeshay ku sheegay inuu khalad weyn galay, balse uu qof walba kula talinayo inuu mabda'iisa ku dheggenaado.

Dhanka kale, laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay in in ninkan inta badan lagu arki jiray isagoo jooga hoteellada Muqdisho ee ay ku sugan yihiin wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo xustay inay xoogageedu saacado gacanta ku hayeen madaxtooyada, halkaasoo uu ka maqnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sheegtay inay ku dileen weerarkaas ciidammo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya