Dowladda iyo AMISOM oo ka hadlay qalalaasihii ka dhacay Baydhabo

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia iyo taliska ciidamada AMISOM ayaa siyaabo kala gooni-gooni ah uga hadlay qalalaasihii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa loogu baaqday madaxda dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta Baydhabo ku sugan inay dhawraan xasilloonida iyo nabadda magaaladaas.

Sidoo kale, waxaa qoraalka dowladda lagu sheegay in la dhawro xasilloonida guud iyo deggenaashaha, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara rabshado bulshada dhexdeeda ka dhaca iyo in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa, loona sii wadi lahaa wada-tashiyada iyo is-fahamka socda si geedi socodku u noqdo mid guuleysta.

Ugu dambeyn, xukuumadda ayaa sheegtay in dowladdu ay mar kasta dhiirri-galinayso, isla markaana fududeynayso sameysanka maamul-goboleedyo ku saleysan habraaca dastuurka federaalka iyo shuruucda dalka.

Dhanka kale, afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in shaqaaqadii maanta ka dhacday Baydhabo ay aad ula yaabeen kana horjeedaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan xusuusinayaa in howlgalka AMISOM ay u joogaan Soomaaliya uu yahay nabadeynta Soomaaliya, haddii nabadeyntii ay keeneen ay dadka fursad u siisay inay shirar yeeshaan, taasi waa aad u wanaagsan. Dowladduna howsheeda iyada ayaa iska leh innaguna waan la shaqeynaynaa, balse wixii maanta dhacay ma ahan mid eedeeda aan innagu leennahay,” ayuu yiri Col. Xumad.

Afhayeenka oo la weydiiyay su’aal ahayd inuu wax ka ogyahay amarka lagu joojiyay shirarka Baydhabo ka socda, maadaama ergooyinka sheegeen inay AMISOM ku amartay inay hoolka iska joogaan balse aysan shirka sii wadi karin? ayaa ku jawaabay:

“Haddii amar ay soo saarto dowladda Somalia AMISOM waa la ogeysiiyaa; laakiin waxaan kuu sheegayaa in ciidamada AMISOM aysan tallaabo iska qaadi karin, marka haddii amar la bixiyay dowladda federaalka ayaa iska leh, haddii ay ciidamadeeda amar siiso inaan la shaqeyno oo aan joojinno wixii halkaas ka dhaca waa mas’uuliyaddeenna, sidoo kale haddii aan la kulanno dad is-haysta waan dhexgalaynaa waana kala joojinaynaa.”

Ugu dambeyn, afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Somalia ee Baydhabo jooga la siiyay amar iyaguna ay gacan siiyeen, balse amar ay iyagu bixiyeen oo shirarkaas lagu joojinayo uusan jirin.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo rabashado wata kuwaasoo ay sameeyeen dadweyne ka carooday amar ay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay ku joojiyeen shirkii maamul sameynta ee ka socday ADC-da iyo shirar kale oo kasoo horjeeday oo iyaguna Baydhabo ka socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya