4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2014
Saraakiil ka tirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo ku dhintay Qaraxyadii lagu Weeraray Hoteel Jasiira iyo Al-shabaab oo sheegatay

Khamiis, Janaayo 02, 2014 (HOL) — Qaraxyadii xalay lagu weeraray hoteelka Jasiira ee Muqdisho ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 11-qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa ciidanka booliiska Somaaliya, iyadoo tirada dhaawacana ay gaartay 40-qof.

Afhayeenka booliiska Soomalaiya, Col. Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale) oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in taliyeyaashii saldhigyada booliiska Wardhiigley iyo Shangaani ay ka mid ahaayeen dadkii ku dhintay weerarkaas, isagoo xusay in dadka ku dhintay weerarka ay ku jireen kooxihii weerarkaas fuliyay.

“Dadkii weerarka ku dhintay waxay isugu jireen shacab, ciidammo iyo kuwii weerarradaas fuliyay, waxaana inta badan dadka dhintay ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada booliiska iyo nabadsugidda dowladda,” ayuu yiri Madaale oo xusay in weerarradan ay ahaayeen kuwo qorsheysan.

Qaraxii koowaad oo dhacay 7:30 fiidnimo ee xalay iyadoo gaariga qaraxa uu ku rarnaa gaari uu lahaa taliyihii hore ee nabadsugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg, inkastoo uu xilligaas ku jiray gudaha hoteelka, iyadoo ay ku dhinteen qaraxaas afar qof oo isugu jiray askar iyo kooxihii weerarka fuliya, 10-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, ku dhawaad saacad kaddib ayaa waxaa dhacay qaraxii labaad oo ahaa gaari bambaanooyin laga soo buuxiyay oo hoteelka hortiisa yaallay, kaasoo la sheegay inuu dilay toddoba qof oo saraakiisha booliiska ay ku jireen.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaalia, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) oo la hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay in qaraxyaan ay dhaceen xilli ay heegan ku jireen ciidamada booliiska Soomaaliya, kaddib marki ay heleen inay jiraan qarxyo ay Al-shabaab doonayso inay ka geysato meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

“Markii aan helnay warar sheegaya in Al-shabaab ay doonayso inay Muqdisho geysato qaraxyo is-miidaamin ah ayaan ciidamada booliiska ku amarnay inay heegan galaan oo ay ammaanka meelaha muhiimka ah adkeeyaan, balse nasiib-darro qaraxyadan ayaa dhacay,” ayuu yiri taliyaha booliiska Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray inay ciidamadu ka hortageen qaraxyadaas oo Al-shabaab ay doonaysay in khasaare ballaaran ay ku geysato.

Xarakada Al-shabaab ayaa fariin ay soo dhigtay boggooda Twitter-ka waxay ku sheegteen inay weerarradaas mas’uul ka yihiin ayna ku dileen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sh. Cali Maxamed Xuseen ayaa ku sheegay farriintan inay kordhin doonaan weerarrada noocan oo kale ah, isagoo shacabka ugu baaqay mar kale inay ka fogaadana meel walba oo ay ku sugan yihiin ciidamada iyo xubnaha dowladda Soomaaliya.

Mas’uulkan ayaa dhawaan warbaahinta Al-shabaab ka sheegay inay shacabku uga digayaan inay u dhawaadaan tagaan goobaha ay ku sugan yihiin saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo saldhigyada ciidamada, isagoo xilligaas ku hanjabay inay qaraxyo ka geysan doonaan.

Hoteelka Jasiira oo ku yaalla meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa qaraxyadaas kasoo gaaray burbur, iyadoo mas’uul u hadlay uu u sheegay HOL inay muraayadaha hoteelka qaarkood dhulka kusoo daateen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya