3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2014
FARMAAJO: “Madaxda Dowladdu Waa in ay Shacabka Kasbadaan”

Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay amaanka Soomaaliya iyo qaabka ugu habboon ee wax looga qaban karo amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay kalsoonida shacabka kasbato, taasoo uu ku sheegay inay tahay kaalinta ugu weyn ee u sahli kara inay nabadda dalka sugto.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya loo baahan in kalsooni lagu siiyo in marka ay dagaalka la galayaan Al-shabaab inay yihiin askar u dhintay Qarankooda, balse aysan ahayn kuwo u dhintay qabiil iyo wax la mid ah, askarigii dhintana xuquuqdiisa meel la saaro wadaniyaduna ay tahay tan lagu howlgalayo.

“Deggenaasho la’aanta dalka iyo horay u socod la’aanta dowladda federaalka waxaa qayb ka ah ballanqaadyada madaxdu sameeyaan oo aan laga dhabeyn ama sidii loo qaaday aan loo fulin,” ayuu yiri Farmaajo oo xusay in uu ka codsanayo dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda inay ammaanka ka wada-shaqeeyaan, gaar ahaan midka caasimadda Soomaaliya.

Isagoo sii halaya ayuu wax laga xumaado ku tilmaamay in saddex sano kaddib ay Al-shabaaba ku dhiirato inay maalin cad weeraraan xaruntii ugu weynayd ee dalka looga talinayay ayna kordhiyaan weerarradooda Muqdisho.

Al-shabaab ayaa isaga baxday magaalada Muqdisho bishii Ogoosto ee 2011-kii, iyadoo markaas ay dowladda Somalia si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta magaalada xarunta ah ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu mas’uuliyiinta dowladda uu ugu baaqay inay ogaadaan inay yihiin dad Qaran u shaqeynaya ee aysan ahayn kuwo qabiil iyo wax la mid ah u shaqeynaya, ayna xoojiyaan dagaalka ay Al-shabaab kula jiiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/27/2014 12:04 PM EST
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ku toogtay maanta guddoomiye waaxeed lagu magacaabi jiray, Cumar Bashiir, kaasoo lagu dilay xaafada Suuq-yaraha oo ka tirsan degmadaas.

2/27/2014 11:55 AM EST
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Iyadoo shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook ay bishan Febraayo u dabbaal-dagtay sannad-guuradeedii 10-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ayaa hay’adda Iftin Foundation waxay daraasad ku sameysay sida jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya ay uga faa’ideystaan shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook-ga si ay ula xiriiraan ardayda, maamulka, waaliddiinta iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan.

2/27/2014 9:48 AM EST
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada taageeraya ee AMISOM ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay isgoyska Fiat ee magaalada Muqdisho.

2/27/2014 9:04 AM EST
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Kaddib kulan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhaxmaray xubno wafdi ah oo ka socday garabka haweenka midowgga Africa AMISOM iyo ururada haweenka ee gobolka Hiiraan ayaa looga wada hadllay wada-shaqeyn dhaxmarta labada dhinac.

2/27/2014 8:56 AM EST
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud maanta oo Khamiis ah ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

2/27/2014 8:55 AM EST
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fal fool-xumo iyo fuleynimo ah ku tilmaamay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday maqaaxi ku taala is-goyska Baar Fiat ee degmada C/casiis, weerarkaasoo ay ku naf-waayeen dad rayid ah oo halkaas ku sugnaa.

2/27/2014 6:40 AM EST
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayaa ku dhintay in ka badan 15-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray weerar Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka Baar Fiat ee magaalada Muqdisho.

2/27/2014 1:52 AM EST
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa wariyeyaasha Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan amaankooda inta ay socdaan howgallada ka dhan ah Al-shabaab ee ay waddo dowladda Soomaaliya.

2/27/2014 1:19 AM EST
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Dowladda Itoobiya oo ciidamadeedu dhawaan ku biireen howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sidii ay uga shaqeyn lahayd nabad kusoo celinta Somalia kaddib sannado badan oo colaado ah.