4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Diyaarad ay leedahay Itoobiya oo lagu Afduubay Qaaradda Yurub


Isniin, Febaraayo 17, 2014 (HOL) — Diyaaraddan oo laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa la sheegay inuu afduubtay kabtan ku xigeenkii diyaaradda oo ku sii jeedday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga sida lagu xusay war maanta ka soo baxay maamulka Airport-tiga magaalada Geneva oo ah halka lagu dajiyay diyaaraddaas.

"Kabtan ku xigeenka ma uusan hubaysnayn ,waxaana uu hoosta ka soo xirtay qolka laga hago diyaaradda "ayaa lagu yiri war arintan laga soo saaray ,iyadoo gabi-ahaanba hakad la galiyay dhaq-dhaqaaqii duulimaadyada ee Airporka magaalada Geneva.

Sidoo kale shirkadda duulimaadyada ee Ethiopia Airways ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaheed lagu qasbay in si xoog ah looga dajiyo dalka Swizeraland ,waxaana lagu xusay warkaas in ay bad-qabaan rakaabkii saarnaa diyaaradaas.

"Diyaaradda Fligh ET-702 waxa ay ka duushay Addis Ababa xalay waxaana ay ku sii jeeday in ay caga dhigato Roma 04:40 waqtiga gudaha dalkaas, balse waa lagu khasbay in ay ka dagto meel aan ahayn halkii ay u socotay," ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka arintan ay ka soo saartay dowladda Itoobiya.

Kabtan ku xigeenka afduubtay diyaaradda oon aan magaciisa lagu shaacin warbaahinta ayaa magan-galyo weydiistay dowladda Swizerland, lamana oga in laga ogolaan doono iyo in kale ,iyadoo dhacdadan ay fajac weyn ka noqotay guud ahaan caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya