3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
Faahfaahin ku saabsan Mas'uul lagu qarxiyay Muqdisho (SAWIRRO)

Isniin, Febaraayo 10, 2014 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa Muqdisho lagula eegtay maanta mas'uul sare oo ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo aanay jirin illaa hadda sheegatay mas'uuliyaddiisa.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenkiisii dhinaca ammaanka laga jaray lug, sidoo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen qaybta sare ee jirdkiisa.

"Qaraxa wuxuu ahaa mid loogu xiray gaarigiisa, waxaana kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenkayga dhaawac culus, inkastoo lagu daweynayo hadda isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho," ayuu yiri Siidii oo wareysi siinayay VOA-da isagoo ku sugan Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Guddoomiyaha oo la weydiiyay su'aal ahayd inay jirto cid ay tuhmayaan iyo goob lagula xiray qaraxan gaariga uu guddoomiye ku xigeenku watay ayaa sheegay inay ku tuhmayaan Al-shabaab, balse aysan jirin goob ay tuhmayaan in gaariga lagula xiray miinada.

Ma jirto cid kale oo ay waxyeello kasoo gaartay qaraxan, iyadoo weerarkan uu ka mid yahay weerarro dhowr ah oo noociisa ah, kuwaasoo lagu qarxiyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xildhibaanno ay ka mid yihiin.

Hay'adda dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qaraxa uu maanta ku dhaawacmay mid ka mid ah guddoomiye ku xigeennada gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo qaraxan uu kusoo beegmay xilli Al-shabaab laga qabsaday deegaanka Gandershe oo isku xira Muqdisho iyo Marko.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/10/2014 10:23 AM EST
Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) –Wafdi uu hogaaminayo Madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qaar kamid ah siyaasiyiintii kasoo horjeeday maamulkiisa islamarkaana mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

2/10/2014 8:36 AM EST
Isniin, Febaraayo 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshan golaha wasiirrada cusub ee Puntland, waxaana looga hadlay arrimo badan.

2/10/2014 8:27 AM EST
Isniin, Febaraayo 10, 2014 (HOL) — Khilaafkii siyaasadeed ee golaha wakiiladda Somaliland ka taagnaa ayaa waxa maanta dajiyey xubno ka tirsan golaha Guurtidda iyo Akadamiga nabadda Somaliland, kuwaas oo muddo todobaad ah ka codsaday golaha inay fasax galaan ka dibna dib la iskugu soo noqdo

2/10/2014 7:33 AM EST
Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) – Ciidammo ka tirsanaa jabhadda ONLF ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen Taliska amniga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo ciidamadan lagu qanciyay inay nabadda qaataan si looga gudbo caqabadaha hortaagan is-fahan dhamaystiran oo ay gaaraan dhinacyada dowladda iyo mucaaradka.

2/10/2014 7:27 AM EST
Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) – Taliska ciidanka nabadgelyada waddooyinka Muqdisho ayaa sheegay in in bishii lasoo dhaafay ee Jannaayo ay dhaceen shilalkii ugu badnaa uguna khasaaraha badnaa, iyadoo ay ku soo badanayaan Muqdisho gaadiidka yar-yar ee sida gaarka ah loo leeyahay.

2/10/2014 7:14 AM EST
Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) – Guddoomiyaha howlaha baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay arrimaha ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM oo la sheegay inay ka baxayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isagoo beeniyay in ciidanka Kenya ay ka baxayaan Kismaayo.

2/10/2014 6:46 AM EST
Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) – Qarax ayaa goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu ku qarxay inta u dhexeysa Taree Biyaano iyo KM4.

2/10/2014 6:33 AM EST
Isniin, Feberaayo 10, 2014 (HOL) - Mas'uuliyiinta maamul gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xariga rag sheegtay in ay madax ka yihiin maamul gobolleedka la baxay Hiiraan State, oo dhawaan soo gaaray magaalada Beledweyne.

2/10/2014 1:45 AM EST
Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) –Xaflad gelinkii dambe ee shalay magaalada Boosaaso ka dhacday, ayaa waxaa si rasmi ah xilka ugula wareegay wasiirka cusub ee madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu dhowaan xilkaas usoo magacaabay.