Khamiis, December 04, 2014 (HOL) — Mmagaalada Hargeysa ayaaa xalay lagu soo ban-dhigay buug ka hadlaya xoreynta haweenka iyo xuquuqda ay islaamka ku leeyihiin, kaasoo uu qoray Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Sheekh Ismaaciil Dheeg).
Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo ay kasoo qaybgalleen wasiiro, cullumo, rag iyo dumar iyo marti sharaf kale ayaa xalay lagu qabtay hoteel Maansoor, waxaanu qoraaga buuggu Sh. Ismaaciil Dheeg si faahfaahin uga hadlay xuquuqda haweenka uu Islaamku siiyay iyo reer galbeedku xuquuqda ay la doonayaan iyo dhibaatooyinka ka dhashay.
“Waxaan jeclahay inaan aragti kooban ka siiyo buugan iyo afgaarta uu xambaarasan yahay, ilaalinta xuquuqda haweenku waa eray sida wardiga usoo celceliyaan reer galbeedku, arrintan waxa laga qoray buugaaga iyo baaqyo caalami ah iyo axdiyo caalami ah ayaa laga soo saaray si loogu taaageero gudidyo, gudiyo kala duwan ayaa loo dhisay hirgalinta sanduuq dhaqaale ayaa loo sameeyey si loo dhiirigaliyo xuquuqda haweenka ee axdigii ugu dambaynta soo gaadhay xoraynta haweenka, xoraynta haweenka wax badan ayaa laga qoray”ayuu yidhi qoraaga Buugga Sheekh Ismaaciil Dheeg, waxaanu intaas ku daray “arrintani sidee ayey ku bilaabantay, macaanka eraygu leeyahay xuquuq raadin maxa ku qarsoon, ololahan yaa wata oo dabada ka riixaya maxa ka dhashay oo uu dunida ku soo kordhisay fikradan, halgankan xuquuq raadista haweenka kama madhna ujeedooyin qarsoon, maxa sababay in dunidda lagu dabaqo baaqyo caalamka, maxa ka dhexeeya aragtidda islaamka iyo baaqyadda caalamku, maxayse ku kala duwan yihiin, Su’aalahaaas ayuu buuggu ka jawabayaa, taariikhdii halganka xuquuqda haweenka, ajanadayaashii iyo ujeedooyinkii shirarkii caalamiga ahaa ee taxanaha ee soo dhacay, arigtidda islaamka iyo Axdiga tirtirista in la adoonsado haweenka.”
Qoraagu wuxu ka hadlay sida aragtidda islaamka u aragto xuquuqda reer galbeedku raadinayaan “Aragtida islaamka iyo axdiga tirtiris takoorka haweenka, baadidoonkaasi wuxuu heerkiisii u sareeyey gaadhay 1979, waxaanay Qaramadda midoobay soo saartay baaqyo iyo axdiyo caalami ah oo ay ku sheegeen in xuquuqda dumarka lagu raadinayo, xuquuqdaasi ay buun buuniyeen wuu khilaafsan yahay shareecadda islaamka faraq weyna wuu u dhexeeyaa, shareecada islaamka ee xuquuqda haweenka waxay sugaysa Xuquuqdda Alla waxayna xidhiidh la leedahay xuquuqda bani’aadamka, waxayna ku kala tageen halka xuquuqda Islaamku ku horeynayso xuquuqda Alla iyagu wax kale ku horeysiinayaan, aragtidda labaad shareecada islaamka dhexdeeda waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad u gaar ah, dabcan xuquuq bay leeyihiin wajibaadna laga shugayaa, shareecada islaamku waxay soo bandhigay xuquuq kasta oo marxalad kasta marayo, halka baaqyada reer galbeedku ka soo saareen dumarka ay si buuxda u dhigayso sinaanshaha labka iyo dhedig, axdigoodu wuxuu si weyn u tilmaamayaa cuqdad iyo dulmi soo jireen ah oo dumarka lagu hayey taas oo u muuqda isku dhufasho iyo necbaasho dhexdeedda lagu abuurayo rag iyo dumarka, laakin shareecadu way ka duwantahay, laba qof oo is dulimiyey, waxan u gudbi doonaa faraqyada labada jinsi, marka laga hadlayo kala duwaananshaha raga iyo dumarka, waxaan rabnaa inaynu cadeyno wixii faraqyo ah ee u dhexeeya labada jinsi, waxa u dhexeeya kala duwanaanshaha jidhka, aqoonta sayniska waxa lagu ogaaday in xooga muruqyaddaraggu 60% ka waaweyn yihiin kuwo dumarka, halka Wadnaha raga ka weyn yahay ilaa 25% ka haweenka”.
Sidoo kale, sheekhu wuxuu sheegay in aanu ilaahay simin rag iyo dumar marka loo eego xaga caqliga iyo garashadda dheer “Ragga ilaahay baa ku karaameeyey caqli iyo garasho, waxa uu keenay unugyaddda dareemayaasha ayaa horumarsan celcelis ahaan ay raggu ka maskax badan yihiin dumarka 150 giraam, waxay badnaanshahaasi xidhiidh la leedahay garashada bani’aadamka, cilmi baadhis lagu sameeyey IQ labka iyo dhediga waxa la ogaaday inuu raggu ka IQ badan yahay Dumarka, hal abuurnimada iyo curinta waxa cusub waxa horseedda raga, waxa markhaati cad ah in sanad kasta la bixiyo abaalmarino la gudoonsiiyo dadka wax cusub ku soo kordhiyey caalamka, taas waxa u badan waa ragga oo dumarka 8% ayey ka noqdeen abaalmarinaddii tobankii sanno u dambeeyey la bixiyey.”
Sheekh Ismaciil dheeg wuxuu ka hadlay khasaaraha ay keentay in dumarku dibadda u soo baxaan, waxaanu yidhi. “Halganka xoreynta haweenka ee baaqyadda caalamka laga saaray waxay sababeen xishood la’aan xagga dumarka ah, guurkii oo yaraaday, waxa batay caruurtii sharci daradda iskaga dhalanayey, waxa dayacaad ku timid guryihii iyo caruurtii, laakiin shareecadda islaamku xaq badan ayey siisay xiitaa dadka dhalan doona iyo kuwo dhintayba, waxa la siiyey in ubadka dhalan doono hooyo wanaagsan oo korisa loo raadiyo, waxa kale oo xuquuq la siiyey qofka dhinta in si maamuus leh loo aaso ayey shareecaddu siisay”.
Wasiirka deegaanka iyo reer miyiga, Shukri Boondare oo mid ahaa dadkii lagu casuumay xafladda ayaa sheegtay in sababta ay dumarku dibadda uga soo baxeen ay tahay masuuliyad daradda raga, iyadoo arrimahaasi ka hadlaya waxay tidhi “aad baan ugu farxay in munaasibad sidan oo kale ah la igu casuumay, horta waxa dhintay ixitaamkii hooyadda loo hayey iyo kuwii haweenka loo hayey, waxaasna waxa ugu wacan burburkii dalka oo uu burburay dhaqankeenii suubanaa, marka mar walba waxaan jeclahay in culimaddu ka hadlaan waxyaalaha waxyeelihii dhaqankeena ahaa in dib loo soo celiyo, duruufo badan ayaa jirta taas ayaa dibada usoo saartay, umaaanu soo bixn dhib yaraan, waxaan leeyahay in hablahaasi quruxda badan helaan raggii guursan lahaa ee wanwanaagsan, waanu jecelnahay in aanu guriga iska fadhino oo iska xinaysano laakiin raggii ayaa dayacay, duruuftaasi ayaa na soo saartay oo ubadka ku korinaa, haddii aanay raggu na dayacina maanu soo baxnayn”.
Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi ayaa isna u markhaati furey duruufta jirta iyo sida masuuliyaddii raggu u maqantahay, waxaanu yidhi “ dadaal aad iyo aad u laxaad leh ayuu galiyey qoritaanka buugan iyo cilmiga badan ee uu ku soo uruiryey, waxaana uga mahad celinayaa dadaalkaasi na tusayo oo la moodda inuu aqoonyahankeenu ka gaabiyey inuu buugaag sidan oo kale qoro, ilaahay quraanka ayuu ku dhaaranayaa iyo xuruufta ku qoran, waxan rajaynayaa in u sheikh Ismaciil inoo furay oo dadka qoraagii ku yaraayeen, sheekhu wuxu inoo iftiiyey mawduuc muran badani ka taagan yahay, waxa runtii dareenku ka jirtay dhibaatooyinka haweenka soo saaray, baahidda haweenku u qabaan inay ku naaloodaan deganaansho, naftiina wuxu ilaahay idinka abuuray lamaane si aad uga xasishaan,hablaheenna wax bartay waa inay iska shaandheeyaan afkaarta soo galootiga ee inooga imanaya reer galbeedka,haweenku inay soo baxaan oo dibadda usoo baxaan waxa sabab u ah raga daycay masuuliyadeedda, raggiina waxa u wanaagsan kuwo haweenkooda u wanaagsan ayaa xadiis ku soo aroortay.”
Buugan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka hadla xuquuqda islaamku siisay haweenka iiyo luminta reer galbeedku ku hayaan dumarka, taas oo dadweynuhu aad u xiseeyeen.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland