4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
Madaxweyne Ax'ed Siilaanyo oo dhagax-dhigay Mashaariic laga hirgelinayo Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer (SAWIRRO)


Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku gudda jira safarkiisi shaqo, ayaa maanta mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey magaaladda Burco qaarna xadhiga ka jaray, kuwo cusubna dhagax dhigay.

Mashaariicdan uu madaxweynuhu dhagax dhigay waxa ka mid ahaa dhabaha diyaaraduhu ka haadeen madaarka Burco oo la balaadhiyey oo 3km lagu kordhiyey, waxa kale oo dhagax dhigay Wadada Ceerigaabo u baxda, waxa kale oo uu xadhiga ka jaray guri loo dhisay Saraakiisha Ciidanka Militariga Somaliland iyo saldhiga boolis oo laga hirgaliyey magaaladda.

Sidoo kale waxa uu ka qaybgalay xaflad 150 arday oo ka qalinjabisay jaamacada Galis qaybteedda magaaladda Burco oo madaxweynuhu ku gudoonsiiyey shahaadooyinkii jaamacadda.

Mashaariicdan horumarineed ee laga hirgaliyey gobolka Togdheer waxa ka hadlay  Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer Maxamuud Aaden Dheri , waxaanu ka warbixiyey in wadadan Burco iyo Ceerigaabo u dhexeysa ay mid dheer oo aan kaligood ku filnayn, balse loo baahan yahay in laga wada qaybqaato dhamaystirkeedda.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumer X.Cabdilaahi (Xamarji) ,ayaa isna ka hadlay muhiimadda ay wadadan u leedahay  dadweynaha, gaar ahaan goboladda bariga Somaliland.

Sidoo kale waxa iyaguna qiimaha wadaddaasi leedahay ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),  Wasiirka Deegaanka Shukri X- Baandare, Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. cali  Cadami, kuwaas oo dhamaantood iska daba maray inay taageeri doonaan dhismaha wadaddaasi.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa isna sheegay inuu gacan weyn ka gaysan doono dhamaystirka wadadan, isla markaana ka qaybqaadan doonaan sidii loo dhisi lahaa wadadaasi.









Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland