4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
Dowladda Soomaaliya oo Qorsheynaysa inay Maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku xiran

Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxii warfaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dhawaan maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo bilooyin ah u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Macallin oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xarigga Sheekh Xasan Daahir iyo maxkamadda ay dowalddu doonayso inay soo taagto dhawaan.

“Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay sii dayso Sheekh Xasan Daahir ayna eegto masxlamadda shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray Sh. Maxamed Macallin.

Madaxii warfaafinta ee Xisbul Islaam wuxuu hadalkiisa ku daray in xaalad aad u liidata oo dhinaca nolosha ah ay xabsiga ku haysato Sheekh Xasan Daahir Aweys wax daryeel caafimaad ahna uusan helin.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhowr bilood ka hor kasoo goostay Xarakada Al-shabaab ayaa ku xirnaa tan iyo markii uu Muqdisho soo gaaray xabsi ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada nabad-sugidda.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Sheekh Xasan Daahir u wareejinayso xabsiga dhexe ee Muqdisho, iyadoo horay ay dhowr jeer madaxda dowladdu u sheegeen in xalaaddiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Lama oga go’aanka ugu dambeeya ee Sheekh Xasan Daahir ay ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya, balse horay ayaa loogu soo bandhigay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulo Al-shabaab iyo fikirkooda iyo in uusan dib ugu laaban howlihii uu ku jiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya