3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
Kulankii Baarlamaanka oo lagu dhageystay Warbixinno u saabsan gobollada dalka iyo Mooshin loo Qaybiyay Xildhibaannada

Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho waxay ku dhageysteen warbixinno la xiriira safarro shaqo oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay ku tageen gobollada dalka qaarkood, iyadoo isla kulankii maanta loogu qaybiyay xildhibaannada mooshin la xiriira qodob lagu kordhinayo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar oo kulankii shir-guddoominayay ayaa ugu horreyn ka hadlay habsami u socodka kulammada baarlamaanka, isagoo xusay inay uu si habsi leh u socdaan kal-fadhiyada baarlamaanka

Xildhibaan C/kaafi Macallin Xasan oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka labaad baarlamaanka ayaa sheegay in wafdigooda ay la kulmeen baarlamaanka Birtain isagoo xusay in baarlamaanka xubnaha baarlamaanka Ingiriiska ay u muujiyeen inay sida ay diyaarka ugu yihiin la shaqeynta baarlamanaka Soomaaliya.

“Waxay noo sheegeen inay diyaar u yihiin sidii aan u wada-shaqeyn u dhex-mari lahayd baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaankooda, iyagoo nagu ammaanay horumarka uu baarlamaanku ku talaabsaday,” ayuu yiri C/kaafi Macallin oo la hadlayay xildhibaannada baarlamaanka.

Sidoo kale, xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ahaa xildhibaanno booqday Puntland ayaa ayaa xubnaha baarlamaanka uga warbixiyay waxyaabihii ay kula soo kulmeen Puntland, isagoo in Puntland ay cabasho ka qabaan sida loo maamulo deeqaha waxbarasho ee dibadda laga helo iyo sidoo kale wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka, isagoo ku baaqay in madaxda sare ee dalka ay cabashooyinkaas wax ka qabtaan.

Wafdi kale oo baarlamaanka ka tirsan oo tagay gobolka Gedo ayaa iyaguna uga warbixiyay xildhibaannada safarkoodii iyo waxyaabihii ay lasoo kulmeen, waxaana u hadlay xildhibaan Muuse Sheekh Cumar isagoo sheegay inay ka jiraan deegaannada gobolka Gedo baahi aad u ballaaran oo ay ka mid yihiin dhinacyada caafimaadka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed taasoo ay dadka reer gedo ku dhaliileen dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, mudaneyaasha baarlamaanka ayaa waxaa la siiyay mooshin ay soo diyaariyeen 21 xildhibaan, kaasoo ay ku dalbadeen in xeer hoosaadka baarlamaanka lagu kordhiyo qodob ah in xubnaha wasiirrada iyo wasiir u dowlayaasha loo qaadanayo mid-mid codka kalsoonida loogu qaado, iyadoo lagu saleynayo xilalakooda aqoonta ay u leeyihiin xilka ay qabanayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/16/2013 8:02 PM EST
DAAWO SAWIRADA: Shirkii Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya looguna yaboohay dhaqaale gaaraya 860 Million oo Dollar.

9/16/2013 3:10 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Bannaanbax looga soo horjeedo shirkii Brussels ee dhaqaalaha loogu ururinayay Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

9/16/2013 2:07 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in sababta ay shirkaasi uga qaybgali wayday ahayd iyadoo loogu casuumay meeqaam ka hooseeya qaabkay rabtay.

9/16/2013 1:18 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Shirkii looga hadlayay higsiga cusub ee Soomaaliya ayaa lagu soo gabgabeeyay magaalada Brussels iyadoo uu ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya dhaqaalaha loogu deeqay Soomaaliya.

9/16/2013 1:16 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku gudda jira safarkiisi shaqo, ayaa maanta mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey magaaladda Burco qaarna xadhiga ka jaray, kuwo cusubna dhagax dhigay.

9/16/2013 9:33 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxii warfaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dhawaan maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo bilooyin ah u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

9/16/2013 9:15 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga reer Yurub, Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ku bixinayaan dib u dhiska Soomaaliya ugu yahoobay 862-milyan oo doollarka Mareyanka ah, isagoo sheegay in shirka Brussels uu yahay mid lagu xoojinayo horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

9/16/2013 5:03 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Shirka Somalia loogu qabanayo dalka Belgium ayaa goor dhow ka furmay magaalada Brussels ee xarunta dalkaas iyadoo uu hadal ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ay shirka wada-guddoominayaan isaga iyo Chatherine Ashton.

9/16/2013 2:54 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo horay ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u tartamaya xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland ayaa sheegay inuu dhawaan tegi doono Puntland si uu ugu ololeedyo doorashada dhacaysa bisha Jannaayo 2014-ka.

9/16/2013 2:31 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Brussels ee maanta furmaya ka muujiyay rajo weyn, isagoo sheegay inuu yahay shirk a duwan kuwii Soomaaliya horay loogu qaban jiray.