3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Shirka Magaalada Brussels waa mid ka duwan shirarkii horay loogu qaban jiray Soomaaliya”


Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Brussels ee maanta furmaya ka muujiyay rajo weyn, isagoo sheegay inuu yahay shir ka duwan kuwii Soomaaliya horay loogu qaban jiray.

Madaxweynaha oo shirkan ay wada-guddoomin doonaan Catherine Ashton oo ah madaxa arrimaha siyaadda ee Midowga Yurub ayaa xusay in shirkani uu fursad u siinayo Soomaaliya sidii beesha caalamku u siin lahayd dhaqaale dib loogu dhisayo dalka oo 22-sano burbur iyo colaado ku jirey .

"Shirkan waa mid ka duwan kuwii horay loogu qaban jiray Soomaaliya, waa shir la mid ah kuwii horay loogu qabtay dalalka ay dagaalladu ka dhaceen, si wax loogu qabto. Soomaaliya waa markii ugu horreysay oo ay hesho fursaddan oo kale, waxanna rajeynaynaa in shirkani uu qayb weyn ka qaato sidii dalka dib loogu dhisi lahaa saddexda sano ee soo socota,” ayuu madaxweynuhu ku yiri wareysi uu siiyay BBC-da, isagoo ku sugan magaalada Brussels oo uu ka furmayo shirka.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay rajada uu ka qabo shirka ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay wax wanaagsan kasoo bixi doonaan, isagoo intaas ku daray in shirkan uu meesha ka saarayo kala qaybsanaantii ku dhexjirtay beesha calaamka.

"Rajo aad u weyn ayaan ka qabnaa inay shirkan uu noqdo mid daaha u furaya dib u dhis ay hesho Somalia, waa shirkii ugu horreeyay oo loo qabto noociisa Soomaaliya; beesha caalamkana waligeed taageero ayay siin jirtay Soomaaliya, balse taageeradan waa ka duwan tahay kuwii hore, waa mid aan baahiyaha aan qabno aan innagu soo gudbinayso calaamkuna uu hal meel isku keenayo dhaqaalihii uu nagu caawin lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya loogu yabooho hal meel la isugu keenayo, isla markaana lagu saacidayo dhismaha dowladnimada, isagoo xusay in lacago badan oo hal meel ka yimaada oo hal meel u jiheysan ay tahay shan muhiimadood oo caalaami ah sidii lacagahaas loogu bixin lahaa, isagoo intaas ku daray in in dowladda Somalia iyo beesha caalamka ay door ku yeelan doonaan talada iyo maamulka lacagtaas loogu deeqayo Soomaaliya.

"Waxyaabaha uu shirkan kaga duwan yahay shirarkii hore waxaa ka mid ah lacagta waxaa lagu bixinayaa baahiyo ay shacabka Soomaaliyeed horay uga soo tashadeen oo ay u arkeen inay yihiin kuwa ugu waaweyn ee la doonayo in laga taageero. Shirkan ma ahan shir ay hay'ado ajnabi ah iyo hay’ado aan dowli ahayn (NGO) loo ururinayo lacago, waa shir lacagta  ay dadka Soomaaliyeed toos u gaarayso, dowladduna ay lacagtaas ku bixinayso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha dalka ka jira," ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay dhowaan sameyn doonaan maamulladii degmooyinka iyo gobollada dalka, islamarkaana ay ku xigi doonaan dhaqan-gelinta federaalka, dalkuna uu u dhaqaaqi doono hal qof iyo hal cod.

Shirkan oo ah kii ugu dambeeyay oo beesha caalamku ay u qabto Soomaaliya si lacago loogu yabooho ayaa socon doona hal maalin, iyadoo la filayo in loogu yabooho Soomaaliya lacag ka badan hal bilyan oo EURO oo ah lacagta Midowga Yurub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/16/2013 8:02 PM EST
DAAWO SAWIRADA: Shirkii Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya looguna yaboohay dhaqaale gaaraya 860 Million oo Dollar.

9/16/2013 3:10 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Bannaanbax looga soo horjeedo shirkii Brussels ee dhaqaalaha loogu ururinayay Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

9/16/2013 2:07 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in sababta ay shirkaasi uga qaybgali wayday ahayd iyadoo loogu casuumay meeqaam ka hooseeya qaabkay rabtay.

9/16/2013 1:18 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Shirkii looga hadlayay higsiga cusub ee Soomaaliya ayaa lagu soo gabgabeeyay magaalada Brussels iyadoo uu ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya dhaqaalaha loogu deeqay Soomaaliya.

9/16/2013 1:16 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku gudda jira safarkiisi shaqo, ayaa maanta mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey magaaladda Burco qaarna xadhiga ka jaray, kuwo cusubna dhagax dhigay.

9/16/2013 9:33 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxii warfaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dhawaan maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo bilooyin ah u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

9/16/2013 9:15 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga reer Yurub, Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ku bixinayaan dib u dhiska Soomaaliya ugu yahoobay 862-milyan oo doollarka Mareyanka ah, isagoo sheegay in shirka Brussels uu yahay mid lagu xoojinayo horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

9/16/2013 8:59 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho waxay ku dhageysteen warbixinno la xiriira safarro shaqo oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay ku tageen gobollada dalka qaarkood, iyadoo isla kulankii maanta loogu qaybiyay xildhibaannada mooshin la xiriira qodob lagu kordhinayo xeer hoosaadka baarlamaanka.

9/16/2013 5:03 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Shirka Somalia loogu qabanayo dalka Belgium ayaa goor dhow ka furmay magaalada Brussels ee xarunta dalkaas iyadoo uu hadal ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ay shirka wada-guddoominayaan isaga iyo Chatherine Ashton.

9/16/2013 2:54 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo horay ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u tartamaya xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland ayaa sheegay inuu dhawaan tegi doono Puntland si uu ugu ololeedyo doorashada dhacaysa bisha Jannaayo 2014-ka.