3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia oo ka hadlay Muhiimada uu Shirka Brussels u leeyahay Soomaaliya


Axad, September 15, 2013 (HOL) — Dan-jire Nicholas Kay oo ah wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay Soomaaliya ayaa sheegay in shirka Soomaaliya loogu qabanayo magaalada Brussels ee dalka Belgium uu yahay mid muhiimad weyn u leh Soomaaliya uuna ka duwan yahay shirarkii horay loogu qaban jiray.

Ergayga oo u warramayay BBC-da maanta isagoo kusii jeeda magaalada Brussels oo uu ka furmayo berri shirka looga hadlayo dib-u-dhiska Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha la hor geynayo shirka ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya uuna yahay mid ay leedahay Soomaaliya oo ay iyadu ku dalbanayso waxyaabaha ay doonayso in beesha caalamku ay ka caawiso.

“Heshiiska cusub ee Soomaaliya waxa weeye mid dowladda Soomaaliya ay soo diyaarisay, iyadoo wadatashiyo la yeelatay dhammaan maamullada ka jira dalka iyo dalalka deeqaha bixiya. Waana mid ay iyadu hoggaaminayso, waxaana qodobbadiisa ka mid ah sidii loo qaadi lahaa canshuuraha iyo sidii hay’adaha dowladda dib loogu dhisi lahaa,” ayuu Kay ku yiri wargeysiga.

Su’aal ahayd: Beesha calaamku 22-kii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya waxay u caawin jirtay siyaabo kala duwan, haddaba waa maxay waxyaabaha uu shirkan kaga duwan yahay kuwii hore oo aad aad dhageystayaasha u sheegi karto? Ayuu Mr Kay kaga jawaabay:

“Laba waxyaabood ayuu shirkan uga duwan yahay kuwii hore, tan koowaad waa in shirkani uu yahay mid ay Soomaalidu leedahay oo ay hogaankiisa hayso, wuuna ka duwan yahay sidii loo howlgeli jiray intii ay jireen dowladihii KMG ahaa oo sharciyadooda wax la iska weydiin jiray. Maanta Soomaaliya waxay leedahay dowlad dhab ah oo qaanuun ku dhisan la iskuna halleyn karo oo caalamka oo dhan uu aqoonsan yahay, iyaga ayaana la yimid qodobbada mudnaanta la siinayo. Midda labaad waa qodobbo uu caalamku aqoonsan yahay , beesha caalamkuna way taageeraysaa qodobbadan, waxayna Soomaaliya u caawin doonaan qaab cusub oo looga gun gaaro qodobbadan. Sidaa daraadeed waa mid aad uga duwan kuwii hore waana fursad dhab ah oo baal cusub u rogaysa Soomaaliya.”

Sidoo kale, Kay wuxuu sheegay in Soomaaliya ay kasoo gudbtay xillgii dagaalkii sokeeye iyo qab-qableyaasha, hadda waxaa la joogaa xiligii dhisidda, waxaa la dhisayaa xukuumad, haya’do iyo awood kordhin, beesha calaamkuna aad ayay u taageeraysaa in qorshahan la fulinayo. Isagoo xusay in beesha caalamku ay u muuqato inay mideysay qorshayaasha lagu taageerayo Soomaaliya, waxaana saddexda sano ee soo socda ku bixi doona howshan shan bilyan oo doollar.

Mar la weydiiyay su’aal kale oo ahayd: Ma u maleynaysaa dowladda Soomaaliya ee aad wadashaqeynta leedihiin inay leedahay qaab lagu xaqiiqsan karo in lacagtan aan la is-daba-marin? Wuxuu iyadana kaga jawaabey:

“Waxay ila tahay su’aashan waa mid wanaagsan. Tirooyinku sidoodaba waa cajiib, shan bilyan waxaa laga yaabaa inay tahay hami, laakiin dhab ahaan waxaan la yaabay sida uu u yar yahay kharashku ku baxaya adeegyada muhiimka ah ee Soomaaliya. Qorshaha loogu talo galay soo koobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee uu bangiga caalamku ka caawiyay ee lagu dhisayay maamullada gobollada aad ayay u yaraayeen. Tusaale haddaan u soo qaato dhismaha ciidanka iyo qalabeyntooda lacagta loogu talo galay waa 275 milyan, runtiina waa lacag yar. Marka Soomaaliya la barbar dhigo dalalka ay dagaalladu ka dhaceen sida Ciraaq, Afgaanistaan iyo Maali dhaqaalaha ku baxay waxaa aad uga yar midda Soomaaliya.”

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri arrinta ku saabsan musuqmaasuqa waa isbedeshay oo horumar weyn ayaa laga sameeyay, tusaale ahaan dalka Norway wuxuu ku caawiyay Soomaaliya 30 milyan oo doollar oo loo isticmaalayo mushaarka shaqalaaha dowladda iyadoo qalab casri ah la isticmaalayo, kaasoo lagu ogaanayo sida lacagtaas loo isticmaalay, waxaan rajeynayaa in mashruucaas uu sii shaqeeyo si beesha caalamku ay u aragto.

Ugu dambeyn, dan-jire Nicholas Kay wuxuu sheegay in mashruucani uu sabab u noqonayo in beesha caalamku ay miiska soo saarto dhaqaalaha ay ugu deeqeyso Soomaaliya iyagoo ku kalsoon in uu meel wanaagsan ku baxayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/15/2013 1:34 PM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday 30 qof oo kalena wy ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka kala-bayrka oo ku yaalla duleedka degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

9/15/2013 12:43 PM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray, qaar kalana dhagax dhigay mashaariic fara badan oo laga hirgaliyey magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

9/15/2013 11:56 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Kulan uu baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaa maanta xaruntiisa Muqdisho ayaa baaqday kaddib markii ay iman waayeen xildhibaannadii uu ku furmi lahaa kooramka, iyadoo mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka uu ka hadlay arrintan.

9/15/2013 11:37 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Bay ayaa waxaa ka socda abaabulka dibadbax looga soo horjeedo shirka shirka Brussels ka furmaya, kaasoo lagu wado inuu berri magaaladaas ka dhaco.

9/15/2013 11:21 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Shirkadda SKA Air & Logistic oo haysay garoonka maamulka Muqdisho saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa maanta ku wareejisay howlaha garoonka iyo maamulkiisa shirkad lagu magacaabo FAVORI LLC oo laga leeyahay dalka Turkiga, taasoo dib u habeyn ku sameyn doona garoonka.

9/15/2013 11:20 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno wasiirro ah ayaa kormeer ku sameeyay maanta mashruuca dowladda Turkiga ay ka waddo magaalada Muqdisho kaasoo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga howsha dayactirka ah ee ay waddo.

9/15/2013 11:20 AM EST
Axad, Sebtember 15, 2013 (HOL)-Kulan looga hadlayey sidii loo adkeyn lahaa ammaanka gobolka Mudug aya maanta ka dhacay magaala madaxda gobolkaas ee Gaalkacayo.

9/15/2013 10:47 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) —Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigtay, Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow oo ka mid ahaa culummada Ahlusunna waljamaaca garabkooda Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta ramsi ah ee loo xiray.

9/15/2013 10:25 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheikh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkaasoo uu maalinta berri ah ka furmayo shirka higsiga cusub ee Soomaaliya.

9/15/2013 10:15 AM EST
Axad, Sebtember 15, 2013 (HOL)- Wefdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa maanta gaarey xarunta dalka Biljamka ee Brusells, halkaasoo uu berri ka furmayo shirka New Deal ee looga hadlayo sanadkan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

9/15/2013 3:49 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo FAVORI LLC ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaysa gacan ku haynta maamulka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, iyadoo xilka kala wareegaysa shirkadda SKA Air & Logistic oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay haysay maamulka garoonka diyaaradaha.

9/15/2013 3:27 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Wasiirka wafaafinta dowladda Somalia, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa si caro leh uga jawaabay qoraal lagu baahiyay qaar ka mid ah war-baahinta Soomaalida, isgaoo qoraalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

9/15/2013 2:29 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa xalay u ambabaxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya.