4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Shil Gaari oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay 35 ruux oo Maanta ka dhacay Duleedka Degmada Buulo-burte

Axad, September 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday 30 qof oo kalena wy ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen rakaabkii la socday gaariga, kaasoo kasoo ambabaxay deegaanka Halgan, kuna soo jeedey magaalada Muqdisho.

Isbitaalka degmada Buulo-burte ayaa la geeyay dadkii dhaawacmay iyo kuwii dhintay, iyadoo dhakhaatiirta isbitaalkaas ay sheegeen inay xaalado kala duwan ku sugan yihiin dadkii dhaawacyadu soo gaareen.

Howl-wadeennada isbitaalka Buulo-burte ayaa sheegay in dadweynaha ku nool degmadaas ay dhiig u shubeen dadkii dhaawacyadu soo gaareen oo qaarkood dhaawacyo halis ah qabay lagu sameeyey qaliinno kala duwan.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab oo gacanta ku haysa degmadaas oo booqday isbitaalka ayaa sheegay in dhaawacyada dadkan qaarkood ay yihiin kuwo aad halis ah u ah, balse ma aysan sheegin in loo qaadayo Muqdisho iyo in kale.

Ma ahan markii ugu horreysay oo shil khasaaran oo kale geystey uu ka dhaco gobolka Hiiraan, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay sannadkan oo uu ka dhasho khasaare intan le’eg.

Rogmashada gaadiidka xamuulka ah ayaa inta badan loo aaneeyaa inay sababto xamuulka oo aad looga badiyo iyo waddooyinka oo burbursan, iyadoo maydadka dadkii ku dhintay shilkaas isla maanta lagu aasay degmada Buulo-burte.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya