4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Kulan ay Xubnaha Baarlamaanka yeelan lahaayeen Maanta oo baaqday iyo Xildhibaan ka hadlay baaqashada kulankaas

Axad, September 15, 2013 (HOL) — Kulan uu baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaa maanta xaruntiisa Muqdisho ayaa baaqday kaddib markii ay iman waayeen xildhibaannadii uu ku furmi lahaa kooramka, iyadoo mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka uu ka hadlay arrintan.

Xildhibaannadii kulanka yimid ayaa waxaa markii uu kooramku buuxsami waayay kala diray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Jeylaani Nuur Iikar oo xusay in dastuurka uu qabo in kooramka marka uu buuxsamo uu shirku furmi karo.

Guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannnadu ay u muuqdaan kuwo gudan waayay howshii loo idmaday, maadaama uu kulankii maanta u baaqday kooram la’aan.

“Waxaan leeyahay sababta uu kulanku u baaqday waa inay imaan waayeen tiradii xildhibaannada ahaa ee loo baahnaa si uu shirku u furmo, taasna waa mid ceeb weyn ku ah xildhibaannada, waxay muujinaysaa inaysan xubnaha baarlamaanku gudan waajibaadkii ay shacabku saareen,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in xildhibaannada aysan xilliga la ballamiyo oo ah 9:00 aroornimo aysan imaan, balse ay yimaadaan intooda badan 12:00 duhurnimo, taasoo dib u dhac ku keenta xilligii uu kulanku socon lahaa.

“Guddoonka sare ee baarlamaanka waxaan ku boorinaynaa inay xilliga ku adkeeyaan xildhibaannada, si aanu dib u dhac ugu imaan kulammada, sidoo kalena ay ka hortagaan in xildhibaannadu ay danahooda raacdaan iyadoo uu jiro shir,” ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta baaqday ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay eek al-fadhiga saddexaad ee baarlamaanka oo 10-kii bishan furmay, iyadoo baaqshada kulankan ay timid xilli ay inta badan xildhibaannada baarlmaanku ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya