3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Bannaanbax looga soo Horjeedo Shirka Brussels oo la Filayo inuu Berrito ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay



Axad, September 15, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Bay ayaa waxaa ka socda abaabulka dibadbax looga soo horjeedo shirka shirka Brussels ka furmaya, kaasoo lagu wado inuu berri magaaladaas ka dhaco.

Nabadoonnada Digil iyo Mirifle ayaa horay waxay u sheegeen inay dowladda Soomaaliya kala laabteen kalsoonidii, kaddib markii ay ka caroodeen heshiiskii dowladda iyo maamulka Jubba ay ku gaareen xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, iyagoo dowladda ku eedeeyey inay hareer martay dastuurka dalka u yaalla.

Baydhabo ayaa waxaa hadda ka socda shir maamul loogu sameynayo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay magaaladaas gaarayaan ergooyin doonaya inay  shirkaas ka qaybgalaan, kuwaasoo ka kala imaanaya gudaha iyo dibadda dalka.

Guddoomiyaha gobalka Bay ee dowladda Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow  oo ay nabadoonnadu u diideen inuu ka qaybgalo shirka Brussels ayaa ka biyo diidey odayaasha amarkooda, isagoo maalintii shalay ahayd ka dhoofay magaalada Baydhabo isagoo ku wajahan dalka Belgium.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
9/15/2013 3:10 PM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Dajire Nicholas Kay oo ah wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay Soomaaliya ayaa sheegay in shirka Somalia loogu qabanayo magaalada Brussels ee dalka Belgium uu yahay mid muhiimad weyn u leh Soomaaliya uuna ka duwan yahay shirarkii horay loogu qaban jiray.

9/15/2013 1:34 PM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday 30 qof oo kalena wy ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka kala-bayrka oo ku yaalla duleedka degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

9/15/2013 12:43 PM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray, qaar kalana dhagax dhigay mashaariic fara badan oo laga hirgaliyey magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

9/15/2013 11:56 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Kulan uu baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaa maanta xaruntiisa Muqdisho ayaa baaqday kaddib markii ay iman waayeen xildhibaannadii uu ku furmi lahaa kooramka, iyadoo mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka uu ka hadlay arrintan.

9/15/2013 11:21 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Shirkadda SKA Air & Logistic oo haysay garoonka maamulka Muqdisho saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa maanta ku wareejisay howlaha garoonka iyo maamulkiisa shirkad lagu magacaabo FAVORI LLC oo laga leeyahay dalka Turkiga, taasoo dib u habeyn ku sameyn doona garoonka.

9/15/2013 11:20 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno wasiirro ah ayaa kormeer ku sameeyay maanta mashruuca dowladda Turkiga ay ka waddo magaalada Muqdisho kaasoo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga howsha dayactirka ah ee ay waddo.

9/15/2013 11:20 AM EST
Axad, Sebtember 15, 2013 (HOL)-Kulan looga hadlayey sidii loo adkeyn lahaa ammaanka gobolka Mudug aya maanta ka dhacay magaala madaxda gobolkaas ee Gaalkacayo.

9/15/2013 10:47 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) —Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigtay, Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow oo ka mid ahaa culummada Ahlusunna waljamaaca garabkooda Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta ramsi ah ee loo xiray.

9/15/2013 10:25 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheikh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkaasoo uu maalinta berri ah ka furmayo shirka higsiga cusub ee Soomaaliya.

9/15/2013 10:15 AM EST
Axad, Sebtember 15, 2013 (HOL)- Wefdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa maanta gaarey xarunta dalka Biljamka ee Brusells, halkaasoo uu berri ka furmayo shirka New Deal ee looga hadlayo sanadkan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

9/15/2013 3:49 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo FAVORI LLC ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaysa gacan ku haynta maamulka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, iyadoo xilka kala wareegaysa shirkadda SKA Air & Logistic oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay haysay maamulka garoonka diyaaradaha.

9/15/2013 3:27 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Wasiirka wafaafinta dowladda Somalia, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa si caro leh uga jawaabay qoraal lagu baahiyay qaar ka mid ah war-baahinta Soomaalida, isgaoo qoraalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

9/15/2013 2:29 AM EST
Axad, September 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa xalay u ambabaxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya.