4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Saraakiil ka socta Ciidanka Booliiska Midowga Afrika ee AMISOM oo Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Saraakiil ka socta ciidamada booliska howlgalka midowgga Africa AMISOM oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulamo kala duwan waxaa ay la qaateen mas'uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada booliiska maamulka iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka  AMISOM.

Madaxa ciidamada ka tirsan booliska AMISOM ee lagu wado in dhawaan la geeyo magaalada Beledweyne Theophilus Senese oo horkacayay wafdiga ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in ciidamada booliska maamulka gobolka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga, dhinaca kalana ay siin doonaa tababaro sare loogu qaadayo aqoontooda.

''Wafdiga waxaa uu ka kooban yahay 12 sarkaal oo ka kala socda dowladdaha Sierra Leone, Uganda, Chana iyo Nigeria, halkan ayaan soo gaarnay - Beledweyne - kulammadii aan yeelannay waxaan uga wada hadalnay qorshaha ciidamada booliska la filayo in ay ka howlgalaan magaalada Beledweyne, is faham buuxa ayaanna arintaa ka gaarnay,'' ayuu yiri Theophilus Senese.

Waxaa uu siweyn u amaanay nabad-galyada ka jirta magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in waqtigii koobnaa oo ay ku sugnaayeen magaalada aysan ku arag cid aan aheyn ciidamada oo hub ku dhax sidata.

''Nabad-galyo ayaa halkan jirta, aniga iyo xubnaha wafdiga ila socda magaalada ayaan ku wareegnay, ma arag dad hub ku dhax sita magaalada oo aan ciidamada aheyn, waxaan gacan ka geysan doonaa sidii loo sii xoojin lahaa nabad-galyada hadda ka jirta magaalada,'' ayuu hadalkiisa raaciyay.

Theophilus Senese, ayaa sidoo kale sheegay in ay bilaabi doonaan marka ay soo dhameystirmaan ciidamada, howlgal guri-guri ah oo lagu xaqijiinayo nabad-galyada guud ahaan magaalada.

Mas'uuliyiinta maamulka heer gobolka iyo degmo ayaa si weyn usoo dhaweeyay wafdiga hordhaca ah ee ka socda booliska ciidamada AMISOM ee maanta gaaray magaalada Beledweyne, iyaga oo sheegay in ay ka gacan siin doonaan saraakiisha iyo ciidamada booliiska, fulinta howlahooda la xiriira sugidda ammniga,  iyaga oo intaa ku daray in saraakiishani ay kaalin mug leh ka qaadan karaan  sare u qaadista tayada aqoonta ciidamada booliiska ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowga Africa  Kol. Cismaan Dubbad oo ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin imaatinka saraakiisha ka socota booliska AMISOM, isaga oo ku tilmaamay in imaashahoodu uu wax weyn ka tari doono amniga.

Ugu danbeytii taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan Kol. Isaaq Cali C/dulle oo warbaahinta si kooban ula hadllay, ayaa sheegay in ciidamada booliska AMISOM ee la geynayo magaalada Beledweyne ay qeyb ka yihiin ballan-qaad hore, waxaana uu sheegay in ay iska kaashan doonaan sugidda ammniga.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya